Connect with us

somalilandtoday.com

Siyaasi Da’ Yar Oo Lagu Dilay Dalka Afghanistan

focus

Siyaasi Da’ Yar Oo Lagu Dilay Dalka Afghanistan

(SLT-Afghanistan)-Nin dhalin yaro ah oo u taagnaa xilka xubin kamid ah baarlamaanka dalka Afghanistan ayaa kamid ahaa dad gaaraya sideed ruux oo lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay gobolka koonfurta dalkaas kuyaal ee Helmand, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen.

Qofka weerarka qaaday ayaa isku qarxiyey gudaha xafiiska Salem Mohammad Achakzai oo kuyaal magaalada Lashkar Gah. Kow iyo toban kalena way ku dhaawacmeen.

Waa weerarkii labaad oo ismiidaamin ah oo lagu bartilmaameed saday musharax u tagaan kamid noqoshada baarlamaanka dalkaas intii lagu jiray olo’olaha dorashada dhacaysa 20-ka bishan October.

Kooxda Taliban iyo ururka isku magacaaba dawladda Islaamiga ah ayaa sheegay in ay carqaladaynayaan doorashada.

Majirto koox sigaar ah u sheegatay qaraxyadii u dambeeyey, kuwaas oo madaxweyne Ashraf Ghani uu ku eedeeyey argagixisada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Helmand ayaa muddo dheer ahayd fariisin ay ku xoogganaayeen ururka Taliban, kuwaas oo xukunka looga tuuray duullaankii uu Maraykanku hoggaaminayey ee sanadkii 2001-dii.

Omar Zwak, oo ah afhayeenka guddomiyaha gobolka Helmand, ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay gudaha xafiiska ol’olaha ee Mr Achakzai markay saacadda dalkaasi ahayd 14:30 (10:00 GMT).

Achakzai, oo 32 jir ahaa ayaa ahaa ganacsade markii ugu horraysay u tartamayey xubin baarlamaan asagoo ku ololaynayey “isabaddal dhanka wanaagsan ah”

Dhimashadan ayaa ka dhigaysa tirada murashixiinta la dilay ilaa lix murashax, sida ay sheegtay AFP.

Ku dhawaad 2,500 oo murashax ayaa ku tartamaya doorashada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top