Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Oo Ka Cadhooday Agaasime Waxed Xilka Qaadis Lagu Sameeyay

Articles

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Oo Ka Cadhooday Agaasime Waxed Xilka Qaadis Lagu Sameeyay

Dalkan jamhuuriyada Somaliland wuxuu doortay madaxwayne muuse biixi cabdi markay taarikhdu ahayd 13/11/2017, waxaana la caleema saaray 13/12/2017.

Madaxwayne muuse biixi cabdi waxuu soo magacaabay mas’uuliyin ay kamid yihin wasiiro, agaasimayaal, gudoomiyayaal hay’addo madax banaan iyo mareeyayaal.

Mas’uuliyiintaa dhamaantood waa kuwa aysan cadaaladi ku dhisnayn magaacibistooda

markaynu ka eegno wada lahaanshaha Somaliland, bulshada jamhuuriyada Somaliland waxay si wayn uga dhursugayeen madaxwayne muuse sida uu ka yeelo wada lahaanshaha Somaliland markay timaado awood qaybsida.
Dulucda hadalkaygu wuxuu yahay intii uu magacaabay madaxwayne muuse wasiirka wadooyinka jamhuuriyada Somaliland Mudane: cabdilaahi abokor iyo mareeyaha hay’adda wadooyinka Eng: cismaan sh cabdi waxaa jiray khilaaf soo kala dhex galay cidda awooda u leh hay’adda wadooyinka hawlaheeda shaqo,

Waqti badan oo ay shaqada wadooyinka u xanibnayd khilaafkii dhex yiilay wasiirka iyo mareeyaha madaxwayne muuse wuxuu u xilsaaray guddi soo afjartay khilaafka muddada dheer hareeyay hay’adda wadooyinka, arinkaana waxaa lagu soo afjaray inuu mareeyaha hay’adda wadooyinka leeyahay awooda shaqo ee wakaalada wadooyinka leedahay.

Mareeyaha hay’adda wadooyinka jamhuuriyada Somaliland Eng cismaan sh. Cabdi oo guddanaya xilkiisa qaran wuxuu xilka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay agaasime waxeedyada ka hawl gala hay’adda wadooyinka, agaasime waxeedyadaasi oo dhan sedex agaasime.

Hase ahatee sida wararka ay sheegayaan madaxwayne muuse wuxuu ka biya diiday agaasime waxeedyadaa mid kamid ah, halka labada kale ay shegeen inuu madaxwaynaha u arko xilka qaadistooda sunaha dowlad nimo,

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland ugu baaqayaa inuu ka shaqeeyo Somaliland lawada leeyahay manfaceeda.

awaadan5@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top