Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo U Ambabaxay Dalka Sucuudiga

focus

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo U Ambabaxay Dalka Sucuudiga

(SLT-Muqdisho)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Sucuudi Carabiya, kaddib casuumaad uu ka helay Boqor Salman bin Abdulaziz.

Diyaarad qaas ah oo Boqortooyada Sucuudi Carabiya u soo dirtay ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Sucuudiga uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo laba maalin qaadanaysa, waxaana safarkiisa ku wehliya Wasiirrada Warfaafinta, Arrimaha dibadda iyo ganacsiga iyo xildhibaanno.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo ka warbixiyay safarka ayaa sheegay in Ea’iisul wasaare Kheyre iyo madaxda dalka Sucuudiga ay yeelanayaan kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka walaaltinimmo ee labada dal ka dhexeeya, isbedellada gobalka iyo guud ahaan caalamka.

Martiqaadka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyay bishii hore, ka hor inta aysan Madaxda dalalka Gobolka tagin magaalada Jeddah, halkaasoo Sucuudiga ugu qabtay shir uu garwadeen uu ka ahaa oo lagu saxiixay heshiis lagu soo afjaray colaada u dhaxeysay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, iyo kulan kale oo gaar ahaa oo Sucuudiga u qabtay Madaxda dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top