Connect with us

somalilandtoday.com

Liibiya Oo Qabatay Nin Millatariga Masar Ka Tirsanaan Jiray Oo Aad Loo Raadinayay

focus

Liibiya Oo Qabatay Nin Millatariga Masar Ka Tirsanaan Jiray Oo Aad Loo Raadinayay

Ciidammada Liibiya ayaa sheegay in ay xireen mid ka mid ah ragga ay Masar u baadi goobaysay sida wayn, waxaana looga shakisan yahay dilkii loo gaystay dacwad oogihii ugu sarreeyay dalkaas saddex sano ka hor.

Hisham Ashmawy ayaa horay uga tirsanaan jiray milatariga Masar, waxaana lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerarro jihaad doonnimo ah.

Ciidammada qalabka sida ee Liibiya ee ku sugan magaalada Derna ayaa sheegay in ay xireen Hisham Ashmawy ka dib markii ay fuliyeen “hawlgal ammaan”, sida uu ku warramay telefishinka Extra News TV ee dalka Masar laga leeyahay, waxayna soo bandhigeen sawir muujinaya isaga oo dhiig wajiga ku leh.

Ashmawy ayaa looga shakisan yahay in uu maleegay shirqoolkii lagu khaarajiyay Dacwad oogihii guud ee Masar Hisham Barakat bishii Juunyo ee sannadkii 2015kii. Bil ka dibna wuxuu soo saaray war cod ah oo uu ku sheeganayo in uu yahay hoggaamiyaha koox hubaysan oo ka hawl gasha Sinai Peninsula.

Masar ayaa ka shakisan in uu intaas ka dib ku biiray kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top