Connect with us

somalilandtoday.com

Lamaane La Qabtay Iyagoo Xubno Banii’aadam Ku Iibinaya Dalka Mexico

focus

Lamaane La Qabtay Iyagoo Xubno Banii’aadam Ku Iibinaya Dalka Mexico

(SLT-Mexico)-Booliiska dalka Mexico ayaa baaritaan ku haya lamaane la xiray iyaga oo wata xubno banii’aadam, waxaana lala xidhiidhiyay dilka toban qof.

Markii ninka la xiray ka dib waxaa la sheegay in uu qirtay in uu 20 haween ah ku dilay goob ka tirsan magaalada Mexico City.

Baareyaasha ayaa xubno banii’aadam ku arkay gurigii ay lamaanahaasi daganaayeen iyo dhismo kale oo aan ka fogayn. Xubnaha ayayna ku hayeen firiij ama qaboojiye.

Baareyaasha ayaa sheegay in lamaanahan ay gadayeen xubnaha jirka dadka balse aysan caddayn cidda ay ka gadayeen.

Dumarka in la dilo ayaa caado ka ah dalka Mexico inta badanna cidna looma ciqaabo, balse faahfaahinta laga helay arrintan ayay caro ka dhalatay, waxaana ka dhashay in ay dadku mudaaharaad ka dhigaan waddooyinka Ecatepec oo ah deegaan ay ku nool yihiin dad danyar ah oo ka tirsan gobolka uu dhibkani ka dhacay.

“Dumarka ay dilaan carruurtoodana way gadi jireen”

Dadka dariska ah ayaa sheegay in lamaanahan ay mar walba wadan jireen gaariga carruurta lagu riixdo, kaas oo markii dambe ay booliisku ka heleen xubnaha jirka.

Booliiska ayaa istaajiyay oo baaray ka dib markii bishii Sebtembar la waayay Nancy Huitron oo 28 jir ah iyo ilmo yar oo ay dhashay Valentina oo labo bilood jiray.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top