Connect with us

somalilandtoday.com

“Haddii Dawlad Wanaagsani Ka Dhalato Soomaaliya Oo Wax Lala Qabsan Karaa, Dabcan Midnimo Way Iman Kartaa” Waraysi Dood Badan Dhaliyay Oo Lala Yeeshay Edna Aadan

focus

“Haddii Dawlad Wanaagsani Ka Dhalato Soomaaliya Oo Wax Lala Qabsan Karaa, Dabcan Midnimo Way Iman Kartaa” Waraysi Dood Badan Dhaliyay Oo Lala Yeeshay Edna Aadan

Dood Culus ayaa ka dhalatay Hadal kasoo yeedhay Ergeyga Dawladda Somaliland u qaabilsan wadahadalka dowladda Soomaaliya Adna Aadan Ismaaciil kaasi oo ay kaga jawaabtay Su’aalo badan oo laga waydiiyay sida ay u aragto Midnimaddii Somaliland iyo Soomaaliya ee burburay inay dib u soo noqon karto iyo Caqabadaha haysta, waxa kale oo ay sheegtay in Somaliland diyaar u tahay inay wixii wada hadalada ka dhasha ay fuliso xiitaa haddii midnimo la isku afgarto inay Somaliland dhinaceeda diyaar u tahay oo ay waliba soo dhawaynayso.

Drs Adna Aadan Ismaaciil ayaa sidan ka sheegtay Waraysi khaas ah oo siisay Idaacada VOA, Waxaanay hadalkeeda ku bilawday halka uu ku dambeeyay Wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya “waxay ku tusaysaa in laba dhinac wadahadaladu ay ka wada yimaadaan, Somaliland mar walba waxay leedahay “Diyaar ayaanu unahay”, waanu soo dhawaynaynaa, Waanu ku faraxsan nahay, gacan saaxiibtinimo ayaan fidinaynaa waanu soo dhawaynaynaa walaalahayaga Soomaaliya, haddii ay Nabad helaan sidii aanu nabadda u helnay iyaguna Nabadda ugu rabaan, laba dal oo madax bannaan oo markii horeba Saaxiibtimo iyo walaalnimo isku raacay ayay ahayeen, midi ka kale ma qabsan, dabcan Somaliland ayaaba da’weyn, Somalilandbaaba istiqlaalka ka hor qaadatay, Somaliland ayaaba gacantii hore ee israaca fidisay, maanta Somaliland ayaa sidii hore gacanta heshiis, wadahadal, isku soo dhawaansho ayay gacanteeda u fidinaysaa”.

Waxa kale oo ay tidhi“Markii la israacay wanaag, walaalnimo iyo ixtiraam ayaa la isku raacay, dhibaatooyin ayaa dhacay oo wadankii kala jaray, laba dal ayay ahaayeen, dalkii Talyaanigu Gumaysan jiray iyo Dalkii ahaa Maxmiyadda Ingiriiska, wanaag ayay ku wada hadleen, haddii uu Wanaag soo noqdo, oo haddalka la isku afgarto, oo uu ixtiraamba labadda dhinacba ka yimaado, maxaa ka hor jooga inay wada hadlaan, haddii Dawlad ay umaddu soo dooratay ay ka dhalato Soomaaliya oo ay timaado oo ay Gacmo wanaagsan soo fidiso oo walaalnimo ah oo daacadnimo ah Somaliland waa diyaar, Somaliland maanta waa diyaar”.

Mar la waydiiyay Diyaarkaasi waxa lagu macnayn karo ee ay ula jeedo ayaa waxa ay ku jawaabtay Drs Adna Aadan Ismaaciil “waxa lagu macnaynayaa cidii aan la hadli lahayd ayaa anaga naga maqan, Eriteriya iyo Itoobiya markii ay wada hadlayeen laba Dawladood ayay ahaayeen oo hadalka iska dhagaystay, anagu Soomaaliya cid aanu la hadalnaba garanmayno, Gobolkee ayaanu la hadalnaa, Yaa matala Soomaaliya, Yaa Afhayeen uwada ah, Yaa kawada masuul ah, Yay soo wakiisheen, Dawladda jirtaa ha timaado, Miiska kaalay, meel hala iskugu yimaado, hala wada hadlo, halkaasi ayay wax ka dhalan karaan. Anagu diyaar ayaanu nahay, waan joognaa, Waan fadhinaa, dalkayagii oo dhanna masuul ayaanu ka nahay, gacan wanaagsan oo jaarnimo iyo walaalnimo waan soo fidinaynaa”.

Mar la waydiiyay inay Somaliland diyaar u tahay in Mar dambe lasoo celiyo Midawgii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa ay tidhi“ Haddii laga arko, taasi waa gacan Uur kujirta oo Illaahay uunbaa ka jawaabi kara, Haddii Soomaaliya ay Dawlad wanaagsani ka dhalato, oo wax lala qabsan karaa dabcan, Laakiinse haddii ay tahay mid iyadiiba aan iska dhamaanayn ama dalkeediiba aan gacanta ugu wada jirin ee uu shisheeye u illaalinayo, ayaanu la hadalnaa, ma AMISOM ayaan la hadalnaa oo aanu la walaalawnaa, illayn AMISOM ayaa dalkii Xukuntee” ayay tidhi Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah ergayga wada hadalladu.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top