Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha Degmada Daroor Ee Kililka Shanaad Oo Dib U Soo Celiyey Askar Booliska Somaliland Ka Tirsan Oo Gudaha Ugu Galay Itoobiya

focus

Guddoomiyaha Degmada Daroor Ee Kililka Shanaad Oo Dib U Soo Celiyey Askar Booliska Somaliland Ka Tirsan Oo Gudaha Ugu Galay Itoobiya

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Degmada Daroor ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Cabdillaahi Xasan (Rayaale) iyo guud ahaan maamulka degmadaasi ayaa maanta soo ambabixiyey sagaal askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland iyo taliyahoodii oo si kama’ ah muddo gudaha ugu galay Maamulka Kililka shanaad.

Guddoomiyaha Degmada Daroor Mudane Mustafe Cabdilaahi Xasan oo aannu maanta khadka taleefanka kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan Magaalada Daroor ee Gobolka Jarareed ayaa waxa uu noo xaqiijiyey in ay muddo halkaasi ku hayeen Sagaal Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland oo gaar ahaan ka tirsanaa Degmada Oodweyne kuwaasi oo gudaha u galay dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya loona malaynayo in ay si kama’ ah u galeen.

Guddoomiye Mustafe Cabdillaahi Xasan (Rayaale) oo Wargeyska FOORE uga warramay xaaladda askartaasi Booliska Somaliland ka tirsan ee gudaha u galay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan Gobolka Jarar ayaa waxa uu yidhi: “Walaal Ciidamadaasi si aanaan garanayn ayay gudaha ugu soo tallaabeen markii hore. Waxa ay ka soo tallaabeen xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland oo dhinacayagan ah. Markii aannu xaqiiqsanay in ay yihiin askar ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland, waxaanan sidoo kale ogaanay in ay ka tirsanaayeen ciidamada Booliska ee Gobolka Oodweyne. Waxa ay ahaayeen sagaal askari oo taliyahoodii wata. Si wanaagsan ayaanu ula dhaqanay una soo dhawaynay. Maantana waxa aanu u soo ambabixinay si milgo iyo maamuus leh annaga oo gaadhigii ay wateena shidaal ugu soo shubnay una soo anbabixinay halkii ay ka yimaaddeen. Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo walaalo ah oo jaar ah. Waxaana u dhaxeeya xidhiidh muhiim ah oo amnigu ka mid yahay. Waxaana noo sharaf ah in aannu ciidankaasi sida kama’a ah ugu soo khaldamay dhinaca xuduudda aannu dib ug soo celinay halkoodii waxaanan maanta duhurnimadii ka soo ambabixinay degmada Daroor ee aan masuulka ka ahay”. Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Degmada Daroor ee Gobolka Jarar Mudane Mustafe Cabdillaahi Xasan (Rayaale) oo la hadlayay wargeyska Foore.

Aqoonyahan Mustafe Cabdillaahi Xasan (Rayaale) waxa uu ka mid yahay Aqoonyahanka dhallinyarada ah ee wax u soo bartay Deegaankaasi waxaanu ka mid ahaa dhallinyaradii dhawaan Madaxweynaha Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar u magacaabay xilalka kala duwan isaga oo loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daroor, kadib is baddalkii ka dhacay guud ahaan Itoobiya gaar ahaan Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top