Connect with us

somalilandtoday.com

Gabadh Caan Ah Oo Shaacisay Inay U Tartamayso Doorashada Dalka Nigeria

focus

Gabadh Caan Ah Oo Shaacisay Inay U Tartamayso Doorashada Dalka Nigeria

(SLT-Nigeria)-Oby Ezekwesili oo wax ka aasaastay koox u ol’olaysa sidii loo soo dayn lahaa in kaban 200 oo gabdhood oo ciyaal iskuul ah oo ay afduubteen Boko Haram sannadkii 2014kii, ayaa ku dhawaaqday in ay isu sharaxayso madaxweynenimada Nigeria ee sannadka soo socda.

Waxay noqon doontaa haweenaydii u horraysay ee caan ah ee la tartanta madaxweynaha talada haya.

Ezekwesili oo aad u dhaliisha dawladda Nigeria ayaa madaxweyne ku xigeen ka soo noqotay Bangiga Adduunka, waxayna sidoo kale wasiir ka soo noqotay xukuumaddii madaxweyne Olusegun Obasanjo.

Doorashada bishii Feebaraayo ayay kula tartami doontaa madaxweynaha safka hore ku jira ee Muhammadu Buhari oo u taagan xisbiga talada haya ee APC iyo madaxweyne ku xigeenkii hore Atiku Abubakar oo lagu dhawaaqay in uu murashax u yahay xisbiga ugu wayn mucaaradka ee PDP.

Dadka wax falanqeeya qaarkood waxay sheegayaan in murashaxnimada Oby ay carqaladaynayso in labada xisbi ee ugu waawayn dalkaas ay si toos ah u tartamaan, kuwaas oo soo saaray dhammaan madaxweyne yaasha dalkaas tan iyo 1999.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top