Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladaa Jarmalka Oo Boqol Malyan Oo Dollar Ugu Deeqday Soomaaliya

focus

Dawladaa Jarmalka Oo Boqol Malyan Oo Dollar Ugu Deeqday Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay inay lacag gaadheysa boqol malyan oo dollar ugu deeqeyso dalka Soomaaliya taaso Jarmalku ku taageerayo Soomaaliya.

Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya ayaa kaga dhawaaqday deeqdan lacageed munaasabad lagu xusayay midowga labada Jarmal oo lagu qabtay xarunta midowga Yurub ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha golaha shacabka, wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, diblomasiyiin iyo xubno kale.

Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo ugu horeyn ka hadashay munasabadda xuska ayaa aad uga hadashay xiriirka Jarmalka iyo Soomaaliya, iyada oo tilmaamtay in Jarmalka uu ka go’an yahay xoojinta xiriirka labada wadan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay xuska munaasabadan inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama Jarmalka uu ka mid yahay saaxiibada Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa u hambalyeeyay dhammaan dowladda iyo shacabka Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in Jarmalka uu hawlo baaxad leh ka hayo Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top