Connect with us

somalilandtoday.com

Saynisyahanno Ku Baaqay In Xaaladda Cimilada Wax Laga Qabto

focus

Saynisyahanno Ku Baaqay In Xaaladda Cimilada Wax Laga Qabto

(SLT-Hargeysa)-Saynisyahanno ayaa sheegay in ay soo wajahan tahay halistii ugu baaxad waynayd ee ku aadan in cimilada adduunku ay aad u kululaato, ayna dirayaan baaqii ugu dambeeyay.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in adduunku uusan haynin jidkii kululaanshaha adduunka lagu xakamayn lahaa 1.5 degree C, taas badalkeedana uu kulaylku ku socdo 3C.

In kululaanshaha lagu xakameeyo meel ka hoosaysa 1.5C waxay u baahan tahay “isbadallo xawaare ku socda, isbadallo waawayn oo dhinac walba leh oo bulshadu samayso”.

“Arrintaas waxaa ku bixi doona dhaqaale badan, ayaa lagu yiri warbixinta, balse albaabadii fursaddu wali way furan yihiin.

Ka dib saddex sano oo cilmibaaristani ay socotay iyo hal toddobaad oo ay ka doodayeen saynisyahannada iyo saraakiisha dawladda ee kulanka ku lahaa Kuuriyada Koonfureed, guddiga caalamiga ah ee cimilada IPCC waxay soo saareen warbixin khaas ah oo ay uga hadlayaan kululaanshaha cimilada ee 1.5c

Warbixintan xasaasiga ah oo 33 bog ka kooban ayaa keentay in saynisyahannadu ay ku taagnaadaan waxa ka soo baxay cilmibaaristooda halka wakiilladii siyaasadduna ay inta badan ka walaacsanaayeen waxa ay arrintaas uga dhigan tahay dhaqaalaha iyo qaab nololeedka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top