Connect with us

somalilandtoday.com

Mo Farah Oo Ku Guulleystey Tartanka Orodka Maaratoonka Chicago

focus

Mo Farah Oo Ku Guulleystey Tartanka Orodka Maaratoonka Chicago

(SLT-London)-Orodyahanka reer Somaliland una orda dalka Britian Mo Farah ayaa ku guulleystey tartanka orodka maaratoonka Chicago isagoo ka dheereeyay orodyahano caalami ah.


Farah oo tartanka orodka maaratoonka u ahaa kiisii saddexaad ayaa waxaa culeys weyn ku hayay orodyahano ka socday dalalka Kenya iyo Ethiopia kuwaasoo caan ku ahaa orodada maaratoonka hase yeeshee Mo Farah ayaa kiilomitirkii ugu dambeeyay orodkan 42km ah ka dheereeyay orodyahanadii kale gaar ahaan Mosinet Geremew, isagoo jebiyay rikoorkii u yiil orodyahanada maaratoonka ee qaarada Yurub.

“Aad ayay u wanaagsanayd inaan la tartamo ordoyahanada Galen iyo kuwa kalaba,”ayuu yidhi Mo kadib markii uu xaqiijistey inuu guuleystey.

“Galen sanadkii hore ayuu guuleystey anigana aad ayay iigu wanaagsan tahay in aan sanadkan ku guuleysto.”

Mo Farah ayaa kaalinta koowaad ku galay orod dhan 2:05:11, halka uu Geremew uu kaalinta labaad ku galay 2:05:24 waxaana kaalinta 3aad soo cadhiidhsaday Suguru Osako orod dhan 2:05:50.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top