Connect with us

somalilandtoday.com

Meeday Furashadii Xisbiyadii Cusbaa

Articles

Meeday Furashadii Xisbiyadii Cusbaa

8/10/018

Ka soo qaad hadii lawada qabto doorashada deegaanka iyo ta parlamaanka ,side loo furan karaa xisbiyo?waa su aal laga rabo in uu iswaydiiyo nin kasta oo uu hayo damac in uu xisbi furto mustaqbalka . sowtan doorashadii lagu qiimaynlahaa xisbiyada soobaxaya la qabatay 2019 ka , ta dib loo dhigayo ee guurtidana waxaa la rabaa in hadhow la yidhaahdo lacag looma hayo, taana waxaa laga hortagayaa in lahelo xisbiyo iska celin kara kulmiye, waayo way ka adkaadeen wadani iyo ucidba, oo gidaar bay iskaga tiiriyeen , markaa khiyaamadaa laga saxeexay wadani iyo ucid , waxaan u malaynayaa iyagaa ka raali ahaa ,waayo ,waxay ogodeen

in kulmiye uu labadooda murankooda ka faaiidaysto, markaa kulmiye waxa uu rabaa in labadan uu iska wadwato, oo ku ciciyaaro
Anaan ku tusaya in laga adkaaday wadani iyo ucidba,u fiirso marka uu wadani yidhah komiishanka halakal diro, ee ucid tidhaa laba xubnood ha lagu daro, kulmiye miyaanu ka adkaaan, markaa muxuu laqayl qaylinayaa faysal cali waraabe, iskama celin kartaan kulmiye ee waxaa loo baahan yahay xisbiyo cusub oo kulmiye iska celin kara, oo somaliland ka badbaadiya in ay burburto,

Doorashada parlamaanka iyo deegaanka oo lawada qabtaana waxay ka dhiganatay ,inaan la furin xisbiyo, waxaan u sheegayaa nin kasta oo damac siyaasadeed lahaa oo doonaya in uu dalkan waxa ka noqdow kulmiye ma rabo in xisbiyo lafuro, waxauuna rabaa in waligeed jeegaantu ay 20 sano ee soosocda ay ay iyagu ahaadaan kuwo dalkan sidii ay doonaan udhiga ,

Taasina way muuqataa oo waxaa u daliilaha ,markii gudoomiyahii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye shabeel daaqada laga saarey , waxaana meesha loo diyaarinayaa ina kaahin, doorasho guurti oo la qabanayaana ma jirto , waayo ,waxaa loo daliishan doonaa dhaqaale u mahayn lagu qabto,

Walina madaxwayne muuse wax uu wadaa siyaasadii siiraanyo oo uu fulinyaa ,hore ayaanu ucadeeyey in uu isagau raacidoono dariiqii uu jeexay siiraany, .khasab baana laga dhigayaa.

Marka ninkii damac xisbi furashada lahaayow amaba reerkii lahaayowba iskaga quuso , xisbiyo cusub oo saaxada soo galayaana ma jiridoonaa, kulmiyana la helimaayo xisbiyo cusub oo iska celiya oo ka adkaada, taana way ka hortageen , mana arko in ay labadan xisbi ka adkaan karaan, iyagaana halkaas is dhigay ,” laxwalbana halii ay is dhigto ayaa lagu qowracaa”

Gabo gabadii

Madaxwayne muuse isteerinka wali waa loo hayaa, taana waxaa muujinaya gudoomiyahii golaha dhexe shabeel ee la gu eryey sharci darada sidii ina cabdi qaadir , meeshana waxaa loo diyaarinayaa gudoomiyanimada xisbiga waa ina kaahin ,ama rumayso ama harumaysanin, hadii xisbiyo la furi waayana waa burburkii Somaliland muusowna adigayna soomaliland kugu dumaysaa ,

Waana in lawada qabtaa labada sharci dajineed ee barlamaanka iyo guurtida, oo dib loo dihgaa doorashada deegaanka si hadhow xisbiyada la furidoono loogu qiimeeyo doorashada deegaanka, si xisbiyo cusub u soo galaan saaxada oo iska celin kara kulmiye, rag badan waxay u diyaar yahiin in ay xisbiyo furtaan oo reer Somaliland ahi .

By: khadar aadan awmuuse

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top