Connect with us

somalilandtoday.com

Saxafi Mucaarid Ku Ah Boqortooyada Sacuudiga Oo Lagu Waayay Safaaradda Istanbul Ku Taala Iyo Madaxweynaha Turkiga Oo Meel Adag Iska Taagay.

English

Saxafi Mucaarid Ku Ah Boqortooyada Sacuudiga Oo Lagu Waayay Safaaradda Istanbul Ku Taala Iyo Madaxweynaha Turkiga Oo Meel Adag Iska Taagay.

(SLT-Istanbul)Jamaal Khashooggi Oo ah nin Sucuudiya oo Qoraa ah. Wuxuu u shaqeeyaa Jaraa’idka Washington Post ee Maraykanka. Waxa la yidhaa Jamal Khashooggi. Waa nin mucaarad ku ah dawladda Sucuudiga siiba Amiir Maxamad bin Salmaan. Salaasadii hore ayuu Safaaradda Sucuudiga ee Istanbul galay si uu uga soo qaato waraaqo cadaynaya in uu xaaskiisii hore furay taasoo u banaynaysa in uu guursado xabiibaddiisa Turkishka ee Hatice Cengiuz eed sawirka ka aragtaan. Safaaradda weli kamuu soo bixin.

Mudane Jamal Khaashooggi wuu sii garanayey in ay wax ku dhici doonaan. Xabiibaddiisa Hatice wuxuu ku yidhi haddaan safaaradda ka soo bixi waayo Madaxwaynaha Turkiga iyo dawladdiisa ogaysii.

Ilaa iyo maanta muuqa Jamal Khaashoogi lama hayo Turkiguna waxay aaminsanyihiin in Safaaradda lagu dhex dilay. Eeddaa Sucuudigu wuu dafiray arrinkana cilaaqadda Sucuudiga iyo Turkiga oo aad u liidatay kadib markuu Turkigu la saftay Qadar oo Sucuudugu cunaqabatayn ku soo roggay ayey sii dhaawacaysaa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top