Connect with us

somalilandtoday.com

Mahadhooyinka Suugaanta Iyo Maskaxaha Lamaan !

Articles

Mahadhooyinka Suugaanta Iyo Maskaxaha Lamaan !

Suugaanta somalida maskaxa curiya, uun baa kala duwane waa Code’s loo qaybiyay gayiga abwaanada geyigeena, waana hibo eebe oo uu ku galado cida uu doono, wax badan markaad raad raacdo waxa aad ogaanaysaa Ama aad arkaysaaba gabay uu tiryay abwaan oo uu u jeedo ku soo gudbinaayo marka uu dhameeyay ee uu abwaankaasi soo xidho gabaygiisii waxaad arkaysaa gabay abwaan kale sameeyay oo aanay kii hore isku qaafiyad ahayn laakiin uu ujeedadii abwaankaasi ka hadlaayay halkuu ku joojiyay ka sii anba qaadaaya oo isna meel kale ku joojinaayo in abwaan kaloo

sadexaad tibaax ka sii bixiyaana way dhici kartaa !

Waxa kale oo aad arkaysaa dhowr abwaan oo hal wax ka wada hadlaaya se midiba si gaara u soo gudbinaayo waxyaalaha badanaaba dhaca waxa ka mida in saadaashu midayso ama ay wax wada raad goobaan hadii saadaashaa ama raadintaasi sadex abwaan iyo kabadanba haday midayso runtay ku sii siqaysaa !

Hadii aynu tusaale yaal soo qaadano sida

Hees Hassan Genay sameeyay oo ku jirtay Riwaayadii Masiibada Tucyo ka mida ayaa ahaa

Curuurtuna way guri la’day
Habeenkuna tuur gabalo
Hangoolka gadhkiisiyo
Gantadu way kala fogyiin
Midi wuxuu degay galbeed
Midina gees bari buu jiraa !

Maansada Gurmad ee Maxamed Xaashi Dhamac gaariye iyana waxa ku jirtay

Hirbaa laga guurayaa
Midbaa lagu geediyahay
Waxaan goobayaa hangool
Faraakiisiyo gantadu
Midkoodba geed ku yaal !

Hees kale oo aanan garanayn iminka cidii samaysayna waxa ku jirtay

Reerkaan yaglel lahaa
Oodaan. U goyn lahaa
Hangol kan kuso guri laha
Garka iyo fararihii baa
Midba. Geed ku yaalaa
Gacan tayda. bidix diyo
Midigtu. Isma gadhaan !

Intaas oo abwaan waxay isku raaceen hangool garkiisii iyo faraaruhu midiba geed ku yaalaan ood in lagu gurtana la doonaayo ujeedadu way xeel dheertahay fahankeeduna ma yasirna

Qore Safwaan Sa’adadiin Ahmed

Email.safwaan112@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top