Connect with us

somalilandtoday.com

Al-Shabaab Oo Digniin U Culus U Diray Dalladaha Waxbarashada Ee Dalka Soomaaliya

focus

Al-Shabaab Oo Digniin U Culus U Diray Dalladaha Waxbarashada Ee Dalka Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Xarakada Al-Shabaab ayaa digniin culus u diray Dalladaha Waxbarashada ee dalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa uga digay goobaha waxbarashada inay iska ilaaliyaan inay xiriir la sameeyaan dowladda Federaalka.

Waxaa uu sheegay inay ka war hayaan in manhajka cusub ee Waxabarshada ee dhowaan dowladda soo bandhigtay, kaasoo uu xusay inay ka hor imaaneyso Diinta Islaamka.

Cali Dheere ayaa sheegay in Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada ee UNESCO ay faafineyso manhaj Waxbarasho oo khaldan, kaasoo ka ka hor imaanaya Diinta Islaamka, isagoo caddeeyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan dowladda la wareegto Iskuul, isla markaana la soo bandhigay Manhaj Waxbarasho oo ka bilaabanaya Dugsiyada Hoose illaa Dhexe.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top