Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Wareegto Madaxweyne Ku Magacaabay Xil Aan Hore Uga Jirin Somaliland Oo Ay Ugu Dambaysay Wakhtigii Dawladda Millatariga Ahayd Siyaad Barre

focus

Madaxweyne Biixi Oo Wareegto Madaxweyne Ku Magacaabay Xil Aan Hore Uga Jirin Somaliland Oo Ay Ugu Dambaysay Wakhtigii Dawladda Millatariga Ahayd Siyaad Barre

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-205/102018, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Dersay: Muhiimadda uu Barnaamijka Shaqo Qaran u leeyahay Dhismaha Qaranka, Dhiiri-gelinta Dhallinyarada iyo Dardar-gelinta Hawlaha Shaqo Abuurka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Mudane, Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran ayaan hore ugu jirin Somaliland waaana markii ugu horraysay tan iyo markii dawladdii millatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top