Connect with us

somalilandtoday.com

Nuxurka Warbixin uu Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu Ka Jeediyey Shirkii Golaha Wasiirrada ee Shalay.

focus

Nuxurka Warbixin uu Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu Ka Jeediyey Shirkii Golaha Wasiirrada ee Shalay.

(SLT-Hargeysa)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka qayb-gashay fadhigii 22-aad ee Golaha Wasiirada JSL, warbixin dhamaystiran oo ay siisay iyo go’aamo kasoo baxay.

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa warbixin dhamaystiran siisay Golaha Wasiirada JSL halkaas oo aan kaga hadalnay; tirada shaqaalaha dawladda , tayadooda iyo tallaabooyinka degdega ah ee u qorshaysan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

-Haddaba, kulankan oo uu gudoominayey Madaxweynaha JSL isla markaana uu ku sugnaa Madawxeyne-ku-xigeenka JSL ayaa Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu kaga hadashay in ay si buuxda u xidheen tirintii shaqaalaha Dawladda isla markaana ay bilaabayso buuxinta kaalmihii shaqo ee soo baxay si ay fursad ugu noqoto dhalinyarada JSL

-Intii kulanku socday Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay Golaha u bandhigtay siyaasadaha iyo hagayaasha muhiimka u ah koboca shaqaalaha dawladda oo dhawaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu samaysay halkaas oo aan u sheegnay in aan dhawaan golaha keeni doonno si kaabis iyo ansixin loogu sameeyo.

-Ugu dambayn, Golaha Wasiirada JSL ayaa bogaadiyey hawl-qabadka Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku samaysay diiwaan iyo kayd raandhiis leh oo shaqaalaha Dawladdu yeesheen abid iyo siyaasadaha loo sameeyey in lagu dhaqo shaqaalaha Dawladda oo aan horay u jirin iyaga oo go’aamo-na kalfadhiga kasoo baxeen.

-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maalmahan soo bandhigi doonta qorshaha hawl-qabadka shaqaalayanta Insha Allah iyo nidaamka loo marayo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top