Connect with us

somalilandtoday.com

MUQDISHO: Xukuumadda Soomaliya Oo Sheegtay In Shuruud Lagu Xidhay Lacagtii Ay Soo Dabacanayeen.

focus

MUQDISHO: Xukuumadda Soomaliya Oo Sheegtay In Shuruud Lagu Xidhay Lacagtii Ay Soo Dabacanayeen.

(SLT-Muqdisho)Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in shuruudo badan lagu xiray soo daabicida lacagta cusub ee Shiling Soomaaliga.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inay ka go’an tahay in lacag cusub ee Shilling Soomaali la soo daabaco, taasoo qeyb ka ah Qaranimada dalka.

“In la soo celiyo lacagta Shilin Soomaaliga qaranimadeena ayay qeyb ka tahay, waana naga go’an tahay, laakiin shuruudo badan ayaa nagula xiray”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxaa uu sheegay in 27 shuruudo lagu xiray oo qeybo badan ay soo dhameeyeen, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in laga doonayo 41 Milyan oo doolar oo ah qarashka ku baxaya daabacaada lacagta sida uu yiri.

Mr Beyle ayaa sheegay in waxyaabo badan oo isku xiran in la fuliyo ay ka horeyso soo daabicida lacagta cusub ee Shiling Soomaaliya oo ay ka mid tahay in musuq maasuq la yareeyo.

Dhowaan ayay aheyd markii Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle uu soo bandhigay nuqulo ka mid ah lacagta cusub ee Shiling Soomaaliga dowladda ay soo daabacaneyso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top