Connect with us

somalilandtoday.com

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Oo U Safraya Kuuriyada Waqooyi

focus

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Oo U Safraya Kuuriyada Waqooyi

(SLT-Pyongyang)-Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sabtida u safri doona Asia, waxaana uu maalinta axadda la kulmi doonaa hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un, xilli ay labada dhinac isku diyaarinayaan kulan madaxeedkii labaad ee Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi.

Inkasta oo Washington ay muddo saadaalineysay kulanka, haddana wuxuu imanayaa maalmo kadib markii xukuumadda Seoul ay sheegtay in Pyongyang ay keyd u haysato illaa 60 hubka Nukilyeerka ah.

Dhinaca kale, ayada oo sanad laga joogo markii Korea-da Waqooyi ay bilowday inay la macaamisho dunida, ayaa waxaa soo badanaya dalalka ku baaqaya in laga qafiifiyo xayiraadda dhaqaale si loogu abaal-mariyo hab-dhaqankeeda.

Beijing iyo Moscow ayaa ugu baaqay golaha ammaanka ee QM inay dib u qiimeyaan cunaqabateynta.

Wasiirka arrimaha dibedda China, Wang Yi ayaa sheegay in xiriirka soo wanaagsanaanaya ee Korea-da Koonfureed iyo Tan waqooyi, iyo midka Korea-da Waqooyi iyo Mareykanka ay tahay inay hogaamiyaaan in Pyongyang laga qafiifiyo cunaqabateynta.

Si kastaba, Washington ayaa ku adkeysaneysa in cunaqabateynta ay halkeeda sii ahaan doonto.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top