Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyihii Hore Ee Ururka Al-Shabaab Oo Maanta Ku Dhawaaqay In Uu Sharaxan Yahay Madaxweynenimo

focus

Hoggaamiyihii Hore Ee Ururka Al-Shabaab Oo Maanta Ku Dhawaaqay In Uu Sharaxan Yahay Madaxweynenimo

(SLT-Baydhabo)-Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansoor, ayaa maanta magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay kaga dhaawqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Roobow, ayaa mar soo noqday hogaamiyaha labaad ee ururka al-Shabaab, waxaana madaxiisa saarneyd lacag uu dul dhigay Mareykanka.

Sanadkii 2017-kii ayuu Roobow isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya, ka dib markii muddo billo ah ay uu weerar kala kulmayay maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Roobow ayaa ka mid noqonaya murashixiin ilaa iyo 10 gaaraya oo ku baratamaya doorashada Koonfur Galbeed oo lagu wado inay dhacdo 27-ka bisha November ee soo socota, Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top