Connect with us

somalilandtoday.com

Budhcad Ku Baxsaday Diyaarad Helikabtar Ah Oo Booliska Paris Soo Qabteen

focus

Budhcad Ku Baxsaday Diyaarad Helikabtar Ah Oo Booliska Paris Soo Qabteen

(SLT-Paris)-Ilo wareedyo laga helay booliska dalka Faransiiska ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay Rédoine Faïd, oo ah burcad isagoo diyaarad Helikobter ah adeegsanaya Jeel ka baxsaday bishii Luulyo.

Ninkan oo ahaa qofkii loogu doon-doonista badnaa ee dalkaas ayaa lagu qabtay waqooyiga magaalada Paris.

Waxaa lagu soo warramay in lala soo xiray walaalkiis iyo labo nin oo kale.

Faïd, oo 46 jir ah ayaa aad u jecel daawashada filimada ku saabsan burcadnimada wuxuuna sheegaa inuu ka bartay xirfado badan oo la xiriira sida loo fuliyo weerarrada.

Markii ugu horreysay waxaa la xiray sannadkii 1998-kii ka dib markii uu sameeyay fal burcadnimo ah oo hubeysan.

Falkii uu 1-dii bishii Luulyo xabsiga uga baxday wuxuu ahaa kii labaad oo uu ku guulaysto, wuxuuna ahaa kii ugu cajiibsanaa ee abid ka dhaca dalka Faransiiska.

Saddex nin oo aad u hubeysan ayaa xoog ku gashay xabsiga uu ku xirnaa oo ku yaalla koonfurta-bari ee magaalada Paris, waxayna isla markiiba saareen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay soo afduubteen iyada iyo duuliyaheedaba.

Dhacdadaas ayaa noqotay mid si weyn caalamka looga hadal hayay maadaama inta badan dadku ay yaqaanneen in filimada oo kaliya lagu arko qof diyaarad uga baxsanaya xabsi ay dowlad leedahay.

waxaa habeennimadii laga soo qabtay xaafaddii uu ku soo koray ee duleedka waqooyi ee ParisLahaanshaha sawirkaAFPImage captionFaid waxaa habeennimadii laga soo qabtay xaafaddii uu ku soo koray ee duleedka waqooyi ee Paris

Hase yeeshee Faïd, oo loo aqoonsaday inuu yahay burcadka ugu weyn Faransiiska ayaa hadda mar kale la soo qabtay ka dib markii uu baxsad ahaa muddo ka badan 3 bilood.

Inuu booliska dalkaas ka dhuumaaleysto waqtigaas ayaa sidoo kale ay dadka qaar u arkaan arrin la yaab leh.

Burcadkan ayaa ka hor inta uusan baxsan xabsiga ku qaadanayay xukun 25 sano oo xarig ah, kaasoo uu ku mutaystay inuu masuul ka ahaa weerar burcadnimo oo la fashiliyay.

Weerarkaas oo dhacay sannadkii 2010-kii ayaa lagu dilay askari ka tirsan booliska Faransiiska.

Wasiirka caddaaladda ee dalka Faransiiska Nicole Belloubet ayaa idaacadda Europe 1 radio ku tiri: “Waxaan ku xiri doonnaa meel aad amnigeeda loo adkeeyay, mar walbana si dhow ayaa xaaladdiisa loola socon doonnaa”.

Xarigga burcadkan ayaa ku soo aaday saacado ka dib markii uu xilka iska casilay wasiirkii arrimaha gudaha ee Faransiiska Gérard Collomb – oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay ee dhinaca amniga iyo fulinta sharciga – tallaabadiisa ayaana dhabar jab cusub ku noqoneysa xukuumadda madaxweyne Emmanuel Macron.

Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa hadda si ku meel gaar ah u sii maamuli doona raysul wasaaraha dalkaas Édouard Philippe.

Rédoine Faïd waxaa lagu daray liiska dadka ay baadigoobayso hay'adda Interpol ka dib markii uu baxsaday 2013Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionRédoine Faïd waxaa lagu daray liiska dadka ay baadigoobayso hay’adda Interpol ka dib markii uu baxsaday 2013

Waa kuma Rédoine Faïd?

Wuxuu dhashay sannadkii 1972-kii, wuxuuna ku koray deegaan lagu magacaabo creil.

Sannadkii 1990-kii wuxuu fuliyay fal burcadnimo oo hubeysnaa, kaasoo isugu jiray dhac iyo handadaad.

Wuxuu sheegay in uu dhiirri galin iyo xirfado ka helay filimada shirkadda Hollywood-ka, sida filimka lagu magacaabo Scarface ee uu sameeyay jilaaga mareykanka ah ee Al Pacino.

Marxaladihii uu kusoo maray xabsiyada

  • Iska daba wareegga ku saabsan xariga iyo baxsashada Faïd ayaa soo billowday sannadkii 1998-kii, xilligaasoo markii ugu horreysay xabsiga loo taxaabay isagoo lagu helay dambi ah inuu geystay fal dhac bangi ah oo hubeysan.

  • Sannadkii 2009-kii waxaa lagu sii daayay si tijaabo ah ka dib markii uu wanaajiyay dhaqankiisa uuna ku dhaartay in uusan wax dambi ah oo kale geysan doonin – laakiin sannadkii 2011-kii ayaa mar kale xabsiga lagu celiyay maadaama uu ballantiisii ka baxay.

  • Sannadkii 2013-kii ayuu ka baxsaday xabsiga isagoo waxyaabo qarxa u adeegsaday inuu ku jabiyo shan albaab oo uu lahaa xabsiga. Intii uu baxsanayay wuxuu afduub ahaan u heystay ilaaladii xabsiga.

  • Sannadkii 2017-kii, Faïd waxaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah, taasoo uu ku muteystay falkii uu xabsiga ku jabsaday. Waxaa sidoo kale loogu daray 18 sano oo xarig ah oo ah ciqaabta falkii burcadnimo ee uu masuulka ka ahaa sannadkii 2010-kii.

  • Sannadkaan 2018-ka, ka dib markii uu ku guul darraystay racfaan uu qaatay, Faïd waxaa lagu riday xukun ka culus kii hore oo ah 25 sano oo xarig ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top