Connect with us

somalilandtoday.com

Ugu Yaraan 44 Qof Oo Lagu Diley Shaqaaqooyin Ka Dhacay Galbeedka Itoobiya

focus

Ugu Yaraan 44 Qof Oo Lagu Diley Shaqaaqooyin Ka Dhacay Galbeedka Itoobiya

(SLT-Addis Ababa)-Saddexdii maalmood ee u danbeysey ayaa dad ka badan 44 qof lagu diley iska-hor-imaad ka dhacay galbeedka Itoobiya kaas oo u dhexeeyey laba qowmiyadeed.

Sida laga soo xiganayo dadka degan ismaamulka Benishangul-Gumuz shaqaaqada ayaa bilaamatey maalinti Jimacada kadib markii afar qof oo Dowladda ka tirsan la diley, kuwaas oo booqdey gobolka xuduudka la wadaga ee Oromia, kadib dadka degan Benishangul-Gumuz ayaa weerar ku qaadey dadka asal ahaan ka soo jeeda oromada ee gobolkaas degan kaas oo horey loo oran jirey Kililka lixaad. Kumaankun qof ayaa lagu khasbey in ay guryahooda isaga abxaan oo barakacaan.

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo isagu ka soo jeeda qawmiyadda oromada ayaa ballan qaadey in uu Itoobiya ka sifeyn doono dagaalada salka ku haya Qawmiyadaha, oo inta badan oromadu hormuud ka tahay.

Qawmiyadda oromada ayaa horey dagaalo ula gashey Soomaalida, waxaana ay dileen boqolaal qof iyaga oo barakiciyey kumaankun kale.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top