Connect with us

somalilandtoday.com

MUQDISHO: Shaqaalaha Hagista Dayaaradaha Ee Garoonka Aadan Cadde Oo Shaqo Joojin Sameeyey

focus

MUQDISHO: Shaqaalaha Hagista Dayaaradaha Ee Garoonka Aadan Cadde Oo Shaqo Joojin Sameeyey

(SLT-Muqdisho)-Shaqo joojintan ayaa ka billaabatay khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay shirkad maamusha garoonka Aadan Cadde iyo shaqaalaha Soomaalida ah.

Waxay saamayn ku yeelatay howlihii hagidda diyaaradaha ee garoonka, inkastoo aysan si buuxda hakad u galin.

Mushkiladda ayaa timid sida ay qaar ka mid ah shaqaalaha hagista dayaaradaha u sheegeen BBC ka dib markii masuuliyiinta shirkadda Favori LLC oo maamusha garoonka ay shaqada ka eryeen horjoogihii shaqaalaha hagista diyaaradaha, ka dibna caro ay ka qaadeen shaqaaluhu tallaabadaas awgeed ay ku dhaqaaqeen gadood shaqo joojin ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee uu salka ku hayo khilaafka shirkadda iyo horjoogaha shaqaalaha, hase ahaatee waxaa in muddo ahba soo kordhayay cabashada ay shaqaalaha haga diyaaradaha garoonka ka qabeen shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Mid ka mid ah shaqaalaha gadoodsan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa BBC-da u sheegay iney saaka hakiyeen howshii ay hayeen.

“Waxaan u dul qaadan weynay sida naloola dhaqmay, haddana waxaa shaqada laga eryay qof naga mid ah oo laga xaq daran yahay”.

“Xaq ayaan u leennahay inaan u doodno xuquuqdeenna mana mudnin in shaqada nalaga saaro haddii aan ka doodno waxyaabaha aan ka cabanayno”, ayuu yiri.

BBC-da ayaa isku dayday iney xiriir la sameyso masuuliyiinta sare ee shirkadda Favori iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda Soomaaliya, balse nooma suurta galin inaan helno, si aan wax uga weydiinno arrimahaan.

Hase yeeshee qof ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaas oo ka cudur daartay in magaciisa la soo xigto ayaa noo xaqiijiyay gadoodka shaqo joojinta ah ee ay sameeyeen howl wadeennada hagista diyaaradaha oo loo yaqaanno Marshal.

“Marar badan ayey wasaaradda soo gaareen cabashooyinka ka imaanaya shaqaalaha Soomaalida ah oo ka dacwoonaya hab dhaqanka shirkadda Favori” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray “annaga haddii aan nahay shaqaalaha wasaaradda waan la soconnay khilaafkan, waxaana ognahay in masuuliyiinta wasaaradda ee qaabilsan arrimaha garoonka ay ku dhex jireen xallinta cabashada” ayuu yiri.

Sarkaalkan ayaa sheegay in shaqaalaha Soomaalida ah ay ka cawdaan hab dhaqan aysan ku qanacsaneyn oo ay kala kulmaan maamulka shirkadda.

Khilaafka ayaan weli la xallininImage captionKhilaafka ayaan weli la xallinin

Khilaafka ayaa soo socday tan iyo markii ay shirkadda Turkiga ah la wareegtay maamulka garoonka caalamiga ah ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay sheegeen ilo wareedyo ku dhow shaqaalaha garoonka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka garoonka Aadan Cadde, oo arrintaan ay uga hadlayaan.

Sarkaalka ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa BBC-da u sheegay in saaka garoonka Aadan cadde ay ka soo dageen diyaarado, balse ay jirto saameyn xooggan oo ka dhalatay shaqa joojinta.

La wareegistii maamulka garoonka ee shirkadda Favori

Badhtamihii bishii Siteembar ee sannadkii 2013-kii ayay Favori LLC si rasmi ah maamulka garoonka ugala wareegtay shirkadda SKA oo laga leeyahay dalka Koonfur Africa.

SKA ayaa garoonka gacanta ku heysay muddo ku dhawaad saddex sano ah oo xilligaas ka horreysay.

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaalia ee waqtigaas shaqeyneysay ayaa soo saaray go’aanka ay shirkadda laga leeyahay Turkiga ugu ogolaanayaan iney qaadato qandaraaska maamulka garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Favori ayaa sameysay dadaallo ay sare ugu qaadeysay dhismaha garoonka iyo hawlihiisa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top