Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Qayb-galay Munaasibad Lagu soo Bandhigay Dhaqaale Ay Somaliland Ka Heshay Qaramadda Midoobay

focus

Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Qayb-galay Munaasibad Lagu soo Bandhigay Dhaqaale Ay Somaliland Ka Heshay Qaramadda Midoobay

Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad Hay’adda u diyaar garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ay soo qaban-qaabisay oo lagu soo ban-dhigay kaalmo ay hay’adaha qaramada midoobay soo gaadhsiisay Somaliland.

Kulankani oo ay kasoo qayb galeen hay’addo badan oo fulinaaya mashaariicda ay qaramada midoobay ka hirgelinayso Somaliland ayaa dhamaantood si weyn u sharaxay qaabka ay u fulin karaan mashaariicdaasi tirada badan.

Maareeyaha Hay’adda u diyaar garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, mudane Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in hay’adahani ay ku guulaysteen inay fuliyaan mashaariicda ay qaramada midoobay soo gaadhsiisay Somaliland, isagoo sheegay in mucaawimooyin ballaadhani ay soo gaadhay hay’addan islamarkaana ay u maamuleen si wanaagsan.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay qaramada midoobay dadaalka dheer ee ay ugu jirto sidii ay u taakulan lahayd bulshada Somaliland, waxaanu madaxweyne ku-xigenku xusay in xukuumadda Somaliland si wayn u laban laabtay xidhiidhka ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.
Wa-bilaahi Tawfiiq

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top