Connect with us

somalilandtoday.com

Lacag Mallaayiin Dollar Ah Oo Been Abuur Ah Iyo Raggii Sitay Oo Lagu Qabtay Dalka Kenya

focus

Lacag Mallaayiin Dollar Ah Oo Been Abuur Ah Iyo Raggii Sitay Oo Lagu Qabtay Dalka Kenya

(SLT-Nairobi)-Nin dalka Kenya u dhashay iyo labo Nin oo kale oo iyaguna u dhashay dalka Chad ayaa lagu xidhay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaddib markii lagu arkay lacag u dhiganta hal bilyan oo shillinka Kenya ah ama 9.9 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

raga kenya lagu xidhayNoocyada Lacagtani ka koobneyd ayaa lagu sheegay inay aheyd Dollar iyo Euro been abuur ah, waa siday booliisku dalkaasi sheegeene.

Haddaba, Saddexdan nin ayaa lagu soo qabtay guri ku yaalla Westlands.

Sidoo kale, Baadheyaashu waxay sheegeen inay gurigaas galeen ka dib markii ay tilmaan ka heleen qof shacab ah.

Intaasi kaddibna, Baadheyaasha oo ka tirsan booliiska dambi baarista ee CID-loo yaqaanno ayaa iyaguna Twitter-ka soo dhigay sawirkan tilmaamaya lacagta been abuurka ah iyo dadka ay u qabteen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top