Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga Oo Cambaareeyay Weerarkii Ismiidaaminta Ahaa Ee Shalay Ka Dhacay Muqdisho

focus

Sacuudiga Oo Cambaareeyay Weerarkii Ismiidaaminta Ahaa Ee Shalay Ka Dhacay Muqdisho

(SLT-Riyadh)-Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Sacuudiga ayaa lagu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay ciidan ka tirsan Midowga Yurub oo u dhashay dalka Talyaaniga.

Maalinti shalay ayeey aheyd markii gaadhi yar oo kuwa raaxaada ah lagana soo buuxiyay walxaha qaraxa lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamo Talyaani ah agagaarka wasaarrada Gaashaandhigga Soomaaaliya.

Weerarka waxaa ku nafwaayay in la ogyahay Laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa qofkii weerarka Ismiidaaminta ah geystay. halka ay ku dhaawacmeen 10 kale oo ay ku jiraan arday xilligaasi ka timid iskuulaadkooda waxbarasho.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxaasi, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay weerarkaasi.

Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkan ayaa afhayeenkooda Cabdicasiis Abuu Muscab waxaa uu sheegay in ay weerarka ku dileen ilaa afar sarkaal oo ka tirsan ciidamadii la socday kolonyada la weeraray.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Sacuudiga uu ka soo horjeedo dhammaan noocyada rabshadaha, sida argagixisada iyo xagjirnimada iyo wax kasta oo lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah.

Sacuudiga ayaa ugu dambeyn sheegay in uu kordhin doono taageerada Millatari iyo mida dhaqaale ee uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top