Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Iyo Canada Oo Gaadhay Heshiis Ganacsi

focus

Mareykanka Iyo Canada Oo Gaadhay Heshiis Ganacsi

(SLT-Kaddib wada-hadallo xooggan oo daqiiqaddii ugu dambeysay la isla gaadhay ayaa Mareykanka iyo Canada waxay gaadheen heshiis ganacsi, ka hor inta aan la gaadhin waqtigii ay qabsadeen oo ku eekaa xalay saqdii-dhexe.

Heshiiskan ayaa ogolaanaya in heshiis saddex geesood ah oo cusub oo u dhaxeeya Mareykanka, Canada iyo Mexico uu beddelo heshiiska ganacsiga xorta ah ee waqooyiga America ee loo yaqaan NAFTA.

Heshiiska ganacsi oo ku kacaya 1.2 tirilyan oo dollar sanadii ayaa la filayaa in muddoo 60 maalmood gudahood ah ay ku saxiixan madaxweyne Donald Trump iyo dhigaggiisa dalalka Mexico iyo Canada.

“Waxaan rumeysannahay in heshiiskan uu yahay mid u wanaagsan Mareykanka” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Trump, oo intaas ku daray in heshiiskan uu guul weyn u yahay madaxweynaha.

Trump ayaa intii uu ololaha ku jiray cambaareeyey heshiiska NAFTA, oo uu sheegay inuu ahaa heshiis ganacsi oo aad ugu xun Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top