Connect with us

somalilandtoday.com

Jaamac Shabeel Waxaa La Mariyey Wadadii Xisbiga Kulmiye Marin Jirey Siyaasiyiinta Tolkii Ee Xisbigaasi Kulmiye Xil.Ka hayey

Articles

Jaamac Shabeel Waxaa La Mariyey Wadadii Xisbiga Kulmiye Marin Jirey Siyaasiyiinta Tolkii Ee Xisbigaasi Kulmiye Xil.Ka hayey

Hadeynu Dib ugu Noqono ama Xaqiiqda ka Sheegno Jaamac Shabeel Wuu joogay, Maalintii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Banaanka Looga Saarey Waa Runtii oo Shirweyne ayey aheyd lawada joogey Oo aanu Waxba ka tareyn haduu xataa isku Dayo in uu la safto laakiin Wadadani Waa mid Sideeda u Marayaan oo aanu Xataa ku badbaadeyn Ninkaa Ina Cabdi Dheere ee Shaley Qoraalka ku Sheegay, in Jaamac Xubinimadii iyo Xilkiiba laga Qaadey Maanta ma oga ama ma Xusuusna in Ina Cabdiqaadir iyo Waabeeyo iyo Jaamac iyo Rag kale oo badan oo Kulmiye dhiiga usoo Shubey Wadadan la Mariyey Dr Gaboose ayaa kamid ahaa Marxuum Cabdi Aw Daahir ayaa kamid ahaa Rag kalena Wey jiraan.

Gees kastaba halaga joogsado, Dhinac Walba halaga eego Talaabadaasi Qof kasta oo Umada Reer Somaliland ahi Wuu garanayaa halka ay Xaqiiqdeedu Jiifto Lama Doonayo in Siyaasi Aragti leh oo Damac iyo Codkarnimo lihi oo kasoo jeeda Beesha Garaxajis ee Jaamac iyo Ragaa aan Xusey kasoo jeedaan ka hadli karo duruuf kasta oo Xisbigaa Taala Waa laga ilaalinayaa Dibadana Waa looga Saarayaa Maxaa yeelay Waa mid heshiis lagu yahey oo Axdiyo Beeleed lagu kala Sexeexday Waa Axdi Qarsoon oo Sir u ah Muuse Biixi iyi Maxamed Kaahin Bariton Waxeynu arki Doonaa Marka Micidu usoo baxdo Ina Cabdi Dheere in Sifahaa iyo Mid ka Fool Xunn Banaanka Loogu Saari Doono.

Gabagabadii Jaamac Shabeel Waxaa la Mariyey Wadadii Xisbiga Kulmiye iyo Rag uu Maanta ogyahey Banaanka ku Dhigeen Xisbigana kaga Saareen Siyaasiyiinta Ilamaadeeradii ah ee Aan Soo Sheegay Waa Heshiiskaa Qarsoodiga ahaa.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top