Connect with us

somalilandtoday.com

Cudur Aan Hore Loo Arag Oo Ku Faafay Gobollo Ka Mid Ah Dalka Sudan !

focus

Cudur Aan Hore Loo Arag Oo Ku Faafay Gobollo Ka Mid Ah Dalka Sudan !

(SLT-Hargeysa)-Waxa maalmihii la soo dhaafay ku faafay Gobollo ka mid ah Dalka Sudan cudur aan hore loo arag oo ay dhakhaatiirta Dalkaasi sheegeen inay faafiso kaneecadu.

Cudurkan ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Xumadda Chikungunya oo ay kaneecadu sababto isla marka ay Kaneecada Xambaarsan Virus-ka cudurkaasi waxa qofku ku bilaabmayaa Xumad xad dhaaf ah, sidoo kalena waxa uu Cudurkaasi sababayaa in maqaarka jidhku is beddelo shan maalmood kadib markii uu Virus-kaasi qaado.

Cudurkan ayaa waxa uu ka bilaabmay Gobolka Kasala ee Bariga Dalkaasi Sudan waxaana ilaa iyo haatan uu cudurkaasi soo waajahay 11 kun oo qof sida uu sheegay Majduub Abu Musa oo ah Af-hayeen u hadlayey maamulka Gobolkaasi Kasala ee Dalka Sudan.

Cudurkani ayaa waxa dawo ah laheyn waxaanay dhakhaatiirta dalkaasi dedaal ugu jiraan sidii ay cudurkani xal ugu heli lahaayeen, ilaa iyo haatana ma jirto wax dhimasho ah oo uu cudurkaasi sababay, balse dadka bukaanka ee cudurkani la liita ayaa buux dhaafiyey Dhakhtarada Gobolkaasi.

Dhinaca kalena, Qoysas tiro badan ayaa ka guuray guud ahaan ba Gobolka Kasala kuwaasi oo ka tegay hantidoodii iyo guryahoodii ka hor intii aanu cudurkaasi ku dhicin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top