Connect with us

somalilandtoday.com

Haweenay Reer Ceerigaabo Ah Oo Xijaabkeedii U Tuurtay ,Magaceediina U Bedeshay Shaqo Darteed

focus

Haweenay Reer Ceerigaabo Ah Oo Xijaabkeedii U Tuurtay ,Magaceediina U Bedeshay Shaqo Darteed

(SLT-New York)-In shaqo laga helo TV Maraykanka ku yaalla wixii ka dambeeyey weerarkii 11-kii Sebtember waxay ahayd arrin aan sahlanayn adigoo waliba lagu yiraahdo magaca Ubax Maxamed.

“Tijaabo ahaan, Ayaan u baddalay magacaygii isla markiina waxaan helay shaqo ah caawiye soo saare” ayay tidhi Ubax Maxamed oo markii dambe ku caan baxday mid kamid ah magacyada ay reer galbeedku la baxaan.

“Waxaan todobaad kasta la bixi jiray magac cusub, waxayna ahayd arrin cabsideeda leh” ayay tidhi ayadoo ku sugan California.

Qoyskeedu waxay u guureen Memphis ayagoo kasoo guuray New York markii ay jirtay 13 sano, ayadoo markii ay ogaatay in ay kasoo jeeddo Somaliland ay caqabad hor leh ku noqotay.

‘ Waxaan iska tuuray xijaabkii’

“Wadaad miyaad tahay” ayay I waydiin jireen sanadkaygii koowaad ee aan bilaabay Iskuul kuyaal Memphis markaas oo aan xijaab xidhan jiray.

“Wixii ka dambeeyey sanadkaas waxaan iska dhigay xijaabkii waxaana badallay magacaygii”

Balse magac baddalashadaas waxay ahayd wax la soo dhaafay, haatan ayadoo Soomaali- American ah ayay si xarrago leh loogu yeeraa magaceedii saxda ahaa waxayna ka shaqaysaa sharikadda filimada ee Hollywood.

Booqashadeedii soomaaliya kadib, Ubax Maxamed waxay tiri waan bogaadinayaa in Hooyaday ay Maraykanka i keento.Lahaanshaha sawirkaUBAH MOHAMEDImage captionBooqashadeedii soomaaliya kadib, Ubax Maxamed waxay tiri waan bogaadinayaa in Hooyaday ay Maraykanka i keento.

Waxay qortay bandhigyada sida Whispers iyo Arrow iminkana waa shaqaale katirsan CW Television Network, oo gacanta ku haya filimka taxanaha ah ee Legends of Tomorrow.

Xariifnimadeeda, iskastoo shaqooyin badan loo diiday, haddana heerka ay maanta joogto waxay ku gaartay in ay noqotay qof aan ku dhagganayn dhaqankeeda oo kaliya.

Iminka waxay ku nooshahay, Los Angeles, Ubax waxay u wayn tahay saddex caruur ah oo walaalaheed ah.

Hooyadeed Caasha Cabdullaahi iyo saalax Maxamed,oo isku bartay iskuna guursaday soomaaliya, ayaa usoo guuray Maraykanka si ay halkaas u dagaan waxna uga bartaan.

Booqashadeedii dhulkii waalidkeed ay kasoo jeedeen, sanadkii 2000, Ubax waxay safar ku tagtay magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay kusoo aragtay qabriyo hore oo caan ah.

“Waxaan isku dayayay in aan helo shaqooyin qoraalo la samaynayo, balse waqti ayay igu qaadatay in aan jaranjarka kor u fuulo, waxaana xitaa dhacday mar aan qarka u fuulay in aan Los Angeles ka guuro, balse waxaan markii dambe shaqo ka heley shirkadda Cosby ee qoraalada” ayay tidhi Ubax.

Waxa ay Ubax markii dambe la kulantay Ramla Maxamed iyo Safiyo Diiriye oo labaduba Soomaali ah, shaqadana kaga sii horeeyay, waxayna ahayd arrin wax badan ka caawisay.

Hadda Ubax waxa ay ku faantaa dhaqankeeda iyo hidaheeda. Waxayna tiri “Isirkayga waa Soomaali, shaqsiyadeydana waa Soomaali”.

“Hooyaday dib ayay ugu laabatay Soomaaliya, waxayna noqotay wasiirka hub ka dhigista maleeshiyaadka, marar badan ayaana loo hanjabay in la dilayo” ayay tiri Ubax oo ku faraxsan doorka ay hooyadeed Caasho ay ka qaadatay dowladihii lasoo dhisay ee dalka lagu badbaadinayay.

Mar ay Ubax wacday hooyadeed oo Xamar ku sugan, ayaa waxaa dhacay qarax, waxayna Caasho tidhi “waxaa laga yaabaa in ay maqleen in ay tahay maalintii dhalashadayda, sidaas ayay qaraxyada u samaynayaan” iyada oo kaftamaysa.

Sanado badan kadib, Ubax waxa ay hadda ka faa’iideysatay sheeko xariirooyinka Soomaalida, kuwaas oo fahamkii ay ka heshay u isticmaasha shaqadeeda sheeko-sheegnimada ee Hollywood-ka.

Sanadkii 2014-kii, Ubax waxa ay ka mid noqotay dad loo xushay in ay qoraan sheekooyinka Disney/ABC ee qoraalada sheekooyinka la jilo.

Sheekadii ay gudbisay waxa ay ahayd mid ku saabsan carruurta xanuunada dhimirka, kuwaas oo karti u leh in ay arkaan ruuxaanta.

Ubax ayaa la fadhiisatay madaxa shirkadda, waxayna u sharaxday in muddo badan ay ka carari jirtay dhaqankeeda , dhibna ay ku tahay magaceeda oo ay badashay, kadib maamulaha ayaa ku dhiirogaliyay in ay dib usoo ceshato magaceedii rasmiga ahaa, islamarkaasna qaadato dharkii lagu yaqiinay.

Wixii markaas ka dambeeyay, sheekooyinkeeda waxa ay kusoo baxayeen magaceeda rasmiga ah ee Ubax.

“Dadka waxa ay I dhahaan Hollywood dhexdeeda hormar kama gaari doontid adiga oo magac bulsho-dhaqameed gaar ah wadatid, balse magac been abuur ah shaqadayda ma raacin karo” ayay tidhi Ubax.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top