Connect with us

somalilandtoday.com

Muxuu Kulmiye U Furay Wadda Hadalka Somaliya ( Abdi-Shotaly)?

Articles

Muxuu Kulmiye U Furay Wadda Hadalka Somaliya ( Abdi-Shotaly)?

Sidda aynu la socono ama aan og-nahay, intii aanu kulmiye xukunka faraha ku dhigin, wax ina dhex yaala waxan Somaliya loogu yeedho, haba-yaraatee may jirin. Sadex maamul oo ka horeeyey kulmiye, Iyana intuba xadhiga bay u jareen, oo inama ay soo haybsan jirin, maamula-daas oo kala ahaa :-


(1) Kii ugu horeeyey, ee isagu dal-kaba

cadawggii cunaayey ka saaray, isaga oo aan sanad buuxa haynin hogaamiya-nimadda Jabhaddii S.M.N (IHN), waa Mudane Cabdiraxmaan Axmed Caliye, jeenta bay tii taayir in uu rogo u diiday, iydda oo ben ku af rogtay ummadda reer Somaliland.

(2) Kii labaad oo isna ahaa Maamulkii (IHN) Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, oo isna ahaa kii salka u dhigay, maamul dawladnimo:
(a) Inoo sameeyey sharciga iyo distoorka lagu tuntay.
(b) Lacagta imika la dabayl raacshay, ee ay bedeshay doolarkii Maraykanku, cid isticmaashaana aanay jirin.
(c) Baasaboorka Somaliland-na markii ugu horeysay asaasay.

(3) Mudane Daahir Riyaale, oo isna dhamaan dhisay qaybihii dawladi lahayd, oo dhaqaajiyey in ay shaqeeyaan
(a) Wasaaradihii oo uu dhamays tirey.
(b) Abuuristii Ciidnka Qalabka sidda iyo booliiska tiro ahaan iyo tayaba, marka lagu daro qalabayn-tooddii.
(c) Hay’ydaha caalamiga ah, oo kuli-good inoo yimi,.
(d) Gobolka sool oo ay pumtland haysatay waa kii kasaaray, ee gacanta ku dhigay, kuna soo celiyey Somaliland.
(e) Waa kii hantidda au aduunku bixiyaan, ka Jaray in ay somaliya inoo soomaraan,
(f) Hawdeena waa kii Iyana maamul-keedda ku guuleystay, ee dhaba ka maryey Somaliya.
(g) Caalmaka ka dhaadhi-ciyey in aynu maamul gaar ah nahay, oo ayna wax isugu keen jiraa aanay jirin, ee ay kala hagaagnay.
(h) Ummadda oo wax wadda lahyd, kuna salaysnaa cadaalad iyo wax wadda qab.
(I) wuxu qabtay 3 doorshao madax-weyne, oo kala ah.
(1) Tii ugu horeysay ee uu ku soo bacxay,
(2) Tii uu 80 cod kaga helay Siilaanyo
( 3) Iyo tii siilaanyo ku soo baxay.
(4) Doorashaddii Xildhi-baanadda Deegaanka.
(5) Doorashaddii baarlamaanka. intaas oo si xor iyo xalaal ah u wadda qabsoomay.
Sadex-daas maamul-ba, waa ina kii kala dhidii-qinay, ee ay ku waasheen baryoo-tinka ah aynu heshiino, wax walba waan idiin og-lahaye iyo caalamku ha na dhex galo, ee san-koodda caano laga lisay, ka bacdina ay wadadda cabeen, candhuuf-toodda ay dib u liqeen, ee inaga rajo go’ay, dhan kaste oo la eega-ba, mana jirin
wax ay inoo saxeexaan, oo loo daba-fadhiistaa, iyadda oo uu xaalku halkaa maraayo akhristaw, baa kulmiye yimi, waxana ay bilaabeen isla markiiba, arimahan soo socdda, oo dhamaan-ba talaaba kaste oo ay qadaan, uu yahay mid ka soo hor jeedda madax banaanidda Somaliand. waana kuwan wixii ay ku kaceen, ee ay xukunka u doonayeen.

(1) Sabata ugu horeysa ee ay sameeyeen waxay ahayd, in ay wada hadaladdii ay maamuladdii hore sika xidheen, yidhaaheena wax aaynu ku wadda hadlayna ama jirto, ilaa inta ay ogolaa-nayaan in aanu nahay dawlad gaar ah, buu u furey Kulmiye, iyaka oo dano gaar ah ka leh, waxana ay yihiin.

(1) In ay dalka iibiyaan, oo ay ka saxeexdaan wax ay doonayaan-ba.
(a) Wixii uu af-weyne ka xishooday, oo dhan in ay iyaku ku kacaan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen.
(b) Xaraashka Hantiddii ma guuraanka ahayd, sidda dhulalkii xukuumaddii hore ay lahaayeen, dugsiyaddii, guryahii, beerihii sidda ta geed deeb-leh ee ay lahaayeen Ciidamadda Asluubtu, oo uu weliba boobay askarigan Meesha doobta ka ridayaa.
(c) Dekeddii oo Iyana laga soo s axeeday, lagana iibiyey Imaaraadka, ilayn Meesha waa loo soo xoogsi tegaye,
(d) Garoonkii Berbera oo laga iibiiyey saldhig ay leeyihiin carabtu, oo Iyana xoolo laga dul qaatay, ilayn mab’da kale ma laha aan ahayn hungry iyo xoolo urursiye.
(e) Dagaal la geliyo ummadda, si loogu kal qaybsho, oo ay ugu fushadaan dana-hoodda gaarka ah, ee hanti doonimo.
(F) Iyadda oo dad kii kala shuf-toobay, imika is aamini la’ yahay, iniba gees ku xidhan tahay, loona kala eexday.
(g) Haween iyo dumar la xidh-xidho, oo aan hore Iyana inoo soo marin, intii daayeer jirey.
(h) Beel gaar ah , oo isha lagu fiiqo, la iska xidho bi-duuni denbi, calaashaan waa reer hebel weeye, xabsiga loogu tuuraayo.
(I) Maamulka 00 100% jeegaantu isku xeerto, lagana fuudh yeeloiyka oo qudha.
(j) Umaddii oo loo kala saaro sadex derejo, oo kala ah muwaadinka koowaad oo jeegaanta ah, ka labaad oo Isaaqa kale iyo gabooye ah, ka sadexaad oo ah beelaha Samaroon iyo harti.
(k) Hawaddii uu soo Celiyey Madax-weyne Riyaale, Iyana imika ba dib ula noqotay Somaliya.
(l) Lacagahii aduun-kana waxa hadda la inoo soo marinayaa, oo faro guud-keed wax inagu soo tuuraysa Somaliya.
(m) Ma Jiro dal siddii hore u madax banaani, ee waxay dib inoogu celiyeen, in aynu ahaano maamul goboleed ka tirsan Somaliya.
(n) Sanaag bari waxa goostay Puntland, oo waa tii ii ka haystaa ku qabsaday shirkiisii Wasaaraada ku sheega.
(o) Suldaan wabar jeex buu goostay, oo waxa taagan dardaarankii Riyaale, ee ahaa ” Dal Iyo dad wadda socdda baan kaaga tegay, oo aniga gacan-taydda ku burburi mayso Somaliland”
(p) Gobolka Sool oo colaad xuduudeed iyo mid sokeekye-ba ay bara-kicin ku hayso.
(q) laba doorasho bay qabteen reer kulmiye, oo musuq-maasaqa ka dhacay waad og-tihiin, oo aan si xor iyo xalaal ah loo qaban.
Intaas oo dhibaato ah iyo in ka badan oo aan la soo koobi Karin, baa ku habsaday dalkii iyo dadkii, kuwa ay tuumbadu dhuunta caanaha ah ugu jirtaana, dan kama laha, oo iyaka wax-ba kama gelin wixii dhacaaya, mar haday tooddii ka hir-gashdeen. Muwaadin marka ay marayo halkaas xaalku, waxa inoo hadhay ee aynu sugnaa waa maxay? Waad aragtaan oo ummaddii waxay u kala baxday dabaqado kala sareeya, in cawska daaqdda iyo in malab jaqdda, waxan ku soo xidhay qoraalkan, inta aynu iska dhaafno beenta la inagu wadna gooyey, ma iska qabnaa maafi-yadan inoo soo tafa-xaydatay? mise sidaas baynu ku bas-beelaa.

*N.B Aniga Somaliland Gacan-taydda Ku Burburi Mayso, Ee Dal Iyo dad Wadda Socdda Baan Kaaga Tegay”
Qore:- Abdi-Shotaly.
ashotaly5@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top