Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynihii Hore Ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar Oo Cafis Dalbaday

focus

Madaxweynihii Hore Ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar Oo Cafis Dalbaday

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka dalbaday raysal Wasaaraha Itoobiya inuu cafis u fidiyo, isaga iyo dadka la eedeysan.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadalkan jeediyay Maxkamad ku taalla Addis Ababa oo markii 3aad la horkeenay.

Waxaa uu ka codsday Maxkamadda in hadalkan laga gaarsiiyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, si uu cafis ugu fidiyo, maadaaka lagu jiro waqtigii is cafiska.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa muddo 42 maalmood xidhan, waxaa la xidhay bishii hore, isagoo loo heysto eedeymo ka dhan ah bani’aadanimada intii uu maamulkiisa talada hayay.

Waxaa uu dhowaan cabasho ka keenay in isaga iyo xubnaha la xiran aan qoraxda la tusin, isla markaana ehelkiisa ee soo booqda lagu qasbo inay ku hadlaan afka amxaariga.

Dacwad oogayaasha ayaa dalbaday in todobo maalmood oo dheeraad ah loogu daro, si ay u dhameystiraan eedeymaha ay ku soo oogayaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top