Connect with us

somalilandtoday.com

Kooxdii Jabhadaynta Ka Waday Gobolka Sanaag Oo Waanwaan Nabadeed Lala Galay Iyo Suldaan Ka Warramay

focus

Kooxdii Jabhadaynta Ka Waday Gobolka Sanaag Oo Waanwaan Nabadeed Lala Galay Iyo Suldaan Ka Warramay

(SLT-Hargeysa)-Sudaan Cali Yuusuf Cabdi (Badda-Cas) oo ka mid ah Salaadiinta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa shaaca ka qaaday in Kooxdii jabhadda ahayd ee Ciidanka Qaranka Somaliland dhawaan kula dagaalamay duleedka Woqooyi ee Magaalada Ceerigaabo ay hadda nabad qaateen iskuna soo dhiibeen Koox oday dhaqameed ah oo uu Suldaanku ka mid yahay, waxa uu suldaanku sheegay inay nimankaasi hadda garteen inay nabad qaataan, waxaanu sheegay in dhinaca Somaliland ay ka dalbadeen inaanay wax weerar ah qaadin inta hawshaasi ay kujiraan.

Suldaan Badda Cas Oo Waraysi Khaas ah Khadka Telefanka kusiiyay Wargeyska Foore ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Waxaanu ku suganahay Daallo Godan, Tuulada Degmo la yidhaah ayaanu ku suganahay, waananu badanahay,Waayeel badan badan ayaanu nahay,waxaanu joognay Goobtaasi Shan cisho,Waxaanu iskugu jirnaa Waayeel Deegaanka ah, yar yar ku biiray maleeshiyadii hore oo maleeshiyo beeleed ahaana waanu soo celinay oo waanu kasoo kaxaynay,Warku aad ayuu noogu wanaagsan yahay, Jamaal Baaxad ayaanu ergo ahaan ugu tagnay, Meeshu waa meel kayn ah, isaga laftiisii ayaanu u tagnay, ninkaasi waxaanu ka soo qaadnay nabad, waxa uu nagu yidhi,anigu wax dagaal ah ma wado, Nabadna waanu lasoo qaadanay, waxaanu isla garanay anagoo isku dhan oo waayeelada deegaamadan ah inaanu isku tagno, Nabadiisana aanu dhaqaajino,oo aanu mushkiladdaasi ka xalino,sikastaba Nabadgalyo ayuu qaatay, gacantana idinka ayaan idiinsoo galayaa ayuu nagu yidhi,Hadda waanu ka nimid, Tuulo kale ayaanu joognaa”.

Waxa kale oo uu yidhi“Waxaa na diray cidii nabadgalyada jecel, Dawladda Lafteeda way na ogayd, oo nabadgalyada waa ka qayb o iyada ayaaba Nabadgalyo u taagan magaca Dawlad layidhaahdo, anaga laftigayaga taladan aanu ku baxnay haddaanu Habaryoonis Bari nahay umaanu dhanayn, waayo anagu in la jabhadeeyo ama dad dagaal lagu qaado ama Somaliland lagu soo duulo umaanu dhamayn, markaa imika waxaanu ogolaanshiyo ka haysanaa Gobolka Sanaag, Waayeelada Beelaha Habaryoonis oo dhan, mid la durayo iyo mid saaxi ahaaba, waxa kale oo aanu ogolaanshiyo ka haysanaa Dawladda lafteeda, Waxaanu ku nidhi anag hanoogu imanina, markii hore way is eryanayeen, waxaanu ku nidhi joojiya eryadka, ninkaasi ma weerari kartaan isna idinma soo weerari karo, markaa sidaasi ayaanu u dirnay Xabad joojin, Dawladda Gobolkuna way naga qaadatay”

Mar aanu waydiinay Halka ay ku dambeeyeen Saddex nin oo kaga dhaawacmay Jabhadaasi dagaalkii ay la galeen Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa waxa uu suldaanku yidhi “Wax dhaawac ahi majiraan, Marka hore gaadhi uunbaa lag qabtay, waxa jira Laba Inan oo jabhadaasi ka mid ah oo toosh isla dhacay, mid ayaa la keenay Ceerigaabo oo ay Odayaal waayeel ah u soo dhiibeen,markaa waxaasi wax weyn muu ahayn markiiba waa la celiyay”…ayuu yidhi Suldaan Cali Yuusuf.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top