Connect with us

somalilandtoday.com

BURCO: Ciidammada Ammaanka Oo Xabsiga Dhigay Laba Muwaadin Oo Eedaymo U Jeediyey Qalbi Dhagax

focus

BURCO: Ciidammada Ammaanka Oo Xabsiga Dhigay Laba Muwaadin Oo Eedaymo U Jeediyey Qalbi Dhagax

(SLT-Hargeysa)-Ciidammada ammaanka ee magaalada Burco ayaa xabsiga dhigay laba nin oo ka mid ah dadka ku nool magaaladaasi.

Ciidammada ammaanka ayaa shalay Jimcihii xabsiga dhigay labadan nin oo lagu kala magacaabo Faarax Xuseen iyo Shaakir Deeq.

Wararka ayaa sheegaya in xadhiga labadan muwaadin uu la xidhiidho hadalo ay dhawaan warbaahinta ka sheegeen oo ku saabsan in Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu baabuur ka gubay wakhtigii ay jabhada ONLF mamnuuca ahayd.

Ciidammada amaanku wali faah faahin kamay bixin sababta keentay xadhigooda

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top