Connect with us

somalilandtoday.com

Taliye Ku-xigeenka Sirtoonka Sucuudiga Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Yimid Somaliland, Madaxwayne Muuse Biixi Si Dhuumasho Ah Kula Kulmay

focus

Taliye Ku-xigeenka Sirtoonka Sucuudiga Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Yimid Somaliland, Madaxwayne Muuse Biixi Si Dhuumasho Ah Kula Kulmay

(SLT-Hargeysa)-Taliye ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Sucuudiga Jeneraal Ahmad Hassan Mohammad Asiri, ayaa booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

 

Mr Axmed Xasan Moxamed, ayaa la sheegayaa in 21kii Bishan September uu booqasho ku yimid Magaalada Hargeysa lana kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka Muuse iyo Axmed lama shaacin,waxa looga hadlay sidoo kale imaanshahiisa lama sii sheegin.

Maalinta ku qoran imaanshahiisa Hargeysa, duullimaadyada Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal kuma jirto Diyaarad ka timid Sucuudiga oo tagtay Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici oo xubno ka mid ah boqortooyada kula kulmay Sucuudiga, xilligii Xajka.

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Taliye ku xigeenka Sirdoonka Sucuudiga uu dhinaca Jabuuti ka soo galay Somaliland isaga oo la socday Diyaarad Ganacsi oo ka timid dalka Jabuuti.

Sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Madaxweyne Muuse Biixi oo qariyay magaciisa ayaa BoramaNews U xaqiijiyay imaanshiyaha taliye ku xigeenka sirdoonka Sucuudiga ee Somaliland.

Booqashada Jeneraal Axmed ee Somaliland ayaa la sheegayaa in ay la xidhiidho Saldhigga Milatari ee Imaaraadka ka dhisanayo Sucuudiga,kaas oo xulufo dhow la ah dalka Sucuudiga.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqdo Magaalada Jidda ee Dalka Sucuudiga waxaana uu la kulmi doonaa dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan, sidda uu sheegay warar xog-ogaal ah laga helay xubno ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Sucuudiga waxaa uu daneeye weyn ka yahay Bariga Afrika gaar ahaan Somaliland halkaas oo Imaaraadka iyo Sucuudiga ay doonayaan in ay maalgalin dhan $1.789Tiriliyan oo doollarka Mareykanka ah taas oo ay labada dal ku doonayaan in ay ku maalgeliyaan waddamada Bariga Afrika, kuna muujiyaan saameyntooda iyo tartanka ay kula jiraan Turkiga ,Qadar iyo China, iyaga oo ka gows heysta Mareykanka.

Source: Boramanews

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top