Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Cagjar Oo Sheegay In La Soo Celinayo Dhul Si Sharci Darro Ah Loo Qaatay

focus

Madaxweyne Cagjar Oo Sheegay In La Soo Celinayo Dhul Si Sharci Darro Ah Loo Qaatay

(SLT-Jigjiga)-Xukuumadda cusub ee Ismaamulka Soomaalida ayaa marka ay xilka qabatay isbedel ku sameysay waxyaabo badan oo xukuumaddii ka horeysay la timid, loona arkayay in ay aad ugu muujineysay Itoobiyaanimada dadka Soomaalida ee gobolkaaasi degan.

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar Cagjar ayaa bartiisa facebooka ku qoray in xukuumaddiisa ay u qorsheysan tahay in ay soo celiso dhul ay sheegtay in si sharci-darro ah loo qaatay.

Wuxuu sheegay Mustafa Cagjar in ilaa hadda dhul iyo hanti badan oo ay boobeen dad aan Soomaali aheyn oo u badan saraakiil ciidan ay xogtooda oo dhameystiran gacanta ku hayaan, si dhaqso ahna ay talaabo uga qaadi doonaan islamarkaana ula wareegi doonaan hantidaasi shacabka laga boobay.

Dadka ayaa waxa ay sheegeen dhulalka ay qaateen saraakiisha ciidanka inay ahaayeen kuwa iyaga lagu naas nuujinayay, maadaama iyaga ay udub dhexaad u ahaayeen dowladdii hore.

Shacabka dawlad degaanka Soomaalida ayaa waxa ay sheegeen inay soo dhaweynayaan talaabada uu qaaday madaxweyne Mustafa Cagjar, waxayna tilmaameen inay dib u soo laabaneyso cadaaladda oo ay sheegeen inay horey u luntay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top