Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxwaynaha Dalka Iiraan Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeeray Madaxwayne Donold Trump

focus

Madaxwaynaha Dalka Iiraan Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeeray Madaxwayne Donold Trump

(SLT-Iran)-Madaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump.

Ruuxaan ayaa sheegay in aysan jirin cid Iiraan ku qasbi karta in ay timaado miiska wadaxaajoodka.

“Dal ama qaran lagu qasbi karo malahan in miiska wadahadalada ay soo fariistaan”ayu yiri Mr Ruuxani.

Hadalka Ruuxaani ayaa yimid ka dib markii madaxwayne Trump uu ku baaqay in Iiran hal meel looga soo wada jeesto.

Madaxwaynaha dalka Iraan Xasan Ruuxaani oo khudbad ka jeedinayay golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Mareykanka ay wadaan cadaawad ka dhan ah dalka Iiraan.

Mr Ruuxaani ayaa xusay in aysan jirin wadan dal kale u caga jiglayn kara.

Madaxwaynaha dalka Iraan Xasan Ruuxaani oo ka jawaabayay weerar dhanka afka ah oo uu madaxwayne Trump ku qaaday Iiraan ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin wax dhaama in khilaafka lagu xaliyo wadaxaajood.

“Dalka Mareykanka fahamkiisa ku aadan xiririka caalamiga waa mid kalitalisnimo,qiyaastiisu waxaa laga yaba inay saxantahay marka loo eego qaabka awooda ay u fahansayihiin, balse aysan aheyn dhanka sharci ahaanshaha iyo awoodda saxda ah., waxayna taasi ka turjumeysaa cagajugleyn iyo culeys, waxaanu rumeeysanhay ugu dambeyntii in aysan jirin wax ka wanaagsan wadaxaajood,” ayuu yiri Mr Ruuxaani.

Madaxwayne Trump ayaa isaga ku baaqay in caalamka hal meel uu uga soo wada jeesto Iiraan isaga oo ku eedeeyay rabshado ,musuqmaasuq iyo in ay xiisad ka hurinayaan caalamka.

Mr MacronLahaanshaha sawirkaAFPImage captionMr Macron

Dowladda Faransiiska ayaa dhankeeda ka digtay halista ay yeelan karto go’aan uu hal dhinac gaaro.

Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron,ayaa khudbadii uu ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay ee New York waxa uu sheegay in haddii aan la helin hannaan isku xira caalamka xitaa dalalka awoodda leh aysan wax faaido ah gaari Karin.

Madaxwayne Macron ayaa ka digay in hal dal uu go’aan kaligii iska qaato taasi oo uu sheegay in ay halis yeelan karto.

“Waxay noqon doontaa sharciga ugu adag, in si sharci daro ah qofka uu ku raadsado danihiisa qaaska ah, Waxaan halkan ka cadeynayaa oo aan adkeynayaa inay tahay kalitalisnnimo, waxaayna taasi horseedi kartaa takoor toos ah, dagaal iyo isku dhac guud oo aysan cidna dani ugu jirin , xitaa qofka isu heysta inuu yahay kan ugu awooda badan”ayuu yiri Mr Macron.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top