Connect with us

somalilandtoday.com

1,200 Oo Qof Oo Loo Xidhay Isku Dhacyadii Dhimashada Sababay Ee Addis Ababa

focus

1,200 Oo Qof Oo Loo Xidhay Isku Dhacyadii Dhimashada Sababay Ee Addis Ababa

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay dad ay tiradooda gaareyso 1,200 oo ruux, kuwaasoo lala xiriiriyay iney ku lug leeyihiin qalalaasihii siyaasadeed ee billowday labo usbuuc ka hor, sida ay booliska sheegeen.

Waa xarigii ugu faraha badnaa ee la sameeyo tan iyo markii uu bishii Abriil xukunka la wareegay Ra’iisul wasaaraha is baddal doonka ah ee lagu magacaabo Abiy Ahmed.

Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku geeriyootay isku dhacyada ka socday agagaarka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, ka dib markii ay 15-kii bishan Siteembar dalkaas dib ugu laabteen hogaamiyeyaasha kooxdii horay fallaagada u ahaan jirtay ee Oromo Liberation Front (OLF).

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa dalbatay in maxaabiista la sii daayo.

Marka laga soo tago dadka loo xidhay qalalaasaha awgiis, dad ay tiradooda gaareyso 1,400 ayaa xabsiyada loo taxaabay ka dib markii weerarro lagu qaaday goobaha lagu ciyaaro khamaarka, shiishadda lagu cabo ama lagu cuno Qaadka.

Inta badan dadkaas ayaa la sii daayay, sida ay watbaahinta FBC ka soo xigatay taliyaha booliska ee Addis Ababa, Sarreeye gaas Degfie Bedi.

Dadka loo xiray qalalaasaha awgiis ayaa loo gudbiyay saldhigga milatariga ee Tolay, kaasoo lagu bixiyo waxa loogu yeeray “tababar dhaqan celin ah” sida uu ku soo warramay wariyaha BBC-da ee magaalada Addis Ababa Habtamu Tibebu.

Dhibaatada ayaa billaabatay 13-kii bishan Siteembar, xilli ay taageerayaasha OLF calammadooda sureen qeybo ka mid ah caasimadda. Tallaabadaas ayay qaar ka mid ah dadka deegaanka u arkeen isku day ay kooxda OLF ku dooneyso iney kula wareegto gacan ku heynta magaalada Addis Ababa.

Banaanbaxyadii lagu soo dhoweynayey hogaanka OLF ayaa si nabad ah u dhacayLahaanshaha sawirkaAFPImage captionBanaanbaxyadii lagu soo dhoweynayey hogaanka OLF ayaa si nabad ah u dhacay

Taageereyaal iska soo hor jeeda ayaa markaas ka dib sameeyay isku dhacyo horseeday in la xiro qeybo ka mid ah ganacsiyadii magaalada.

Qalalaasaha ayaa sii xumaaday labo maalmood ka dib, waxaana lagu dilay 28 ruux, sida ay warbaahinta FBC ka soo xigatay Jeneraal Degfie, isagoo arrintaas sheegaya.

‘Ha buuxinina xabsiyada mar kale’

Jeneraal Degfie ayaa sheegay in inta badan dadkaas ay u dhinteen garaacis loo geystay iyadoo la adeegsanayo ulo iyo dhagxaan, maadaama kooxaha iska soo hor jeeda ay dagaallamayeen, hase ahaatee ciidamada ammaanka ay dileen toddobo ka mid ah dadka isku dhacyada ay dhex marayeen.

Amnesty International ayaa tirada dadka ku dhintay rabshadahaas ka dhigtay ilaa 58 ruux.

Hay’addan ayaa cambaareysay xarigga loo geystay dadka, waxayna sheegtay in dowladdu ay sameysay “isku day ammaan mudan oo ay ku faaruqinayso xabsiyada”, haddana aan loo baahneyn iney “dib u buuxiyaan mar kale” iyagoo xiraya dad aan dacwado lagu soo oogin.

Bayaanka ka soo baxay Amnesty ayaa lagu yiri “Dowladdu waa iney cusbooneysiiso dadaalkeeda ku aaddan xoojinta xushmadda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha”.

Abiy Axmed wuxuu dalka ku soo rogay isbeddelo cusubLahaanshaha sawirkaREUTERSImage captionAbiy Axmed wuxuu dalka ku soo rogay isbeddelo cusub

Ra’iisul wasaare Abi Axmed ayaa tan iyo markii uu bishii Abriil xilka la wareegay waxa uu waday isbadallo si weyn loo soo dhaweeyay.

Wuxuu xabsiyada ka sii daayay kumannaan maxaabiis ah oo u xirnaa arrimo siyaasadeed, wuxuuna xayiraadda ka qaaday ururro horay loo mamnuucay, oo ay ku jirto kooxda OLF, kuwaasoo horay loogu aqoonsanaa iney yihiin urur argagixiso.

Mr Abiy oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada, ayaa loo arkayay inuu yahay shakhsiga xalka u heli kara kala qeyb sanaanta siyaasadeed ee ka jirta dalkaas.

Sannadihii ugu dambeeyay, Itoobiya waxaa ruxay mowjado mudaharaadyo ah oo ay sameynayeen dadka ka soo jeeda qowmiyadda Oromada, kuwaasoo ka cabanayay faquuq ku aaddan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Oromada ayaa ah qowmiyadda ugu tirada badan ee ku nool dalka Itoobiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top