Connect with us

somalilandtoday.com

Qalbi-dhagax Oo Maanta Hargeysa Imanaya & Ujeedada Safarkiisa + Soo Dhawayntiisa Oo La Diyaarinayo

focus

Qalbi-dhagax Oo Maanta Hargeysa Imanaya & Ujeedada Safarkiisa + Soo Dhawayntiisa Oo La Diyaarinayo

(SLT-Hargeysa)-0Cabdikariin Sheekh Muuse oo ku magac dheer Qalbi-dhagax ayaa maanta la filayaa in lagu soo dhaweeyo magaalada Hargeysa caasimadda Hargeysa.

Cabdikariin ayaa ka tirsan jabhadda ONLF, waxaana soo dhaweynta Qalbi-dhagax ka qeyb qaadan doona mas’uulyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, xisbiyada siyaasiada, iyo sidoo kale madax kala duwan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe oo isagu hore magaalada Nairobi ugula kulmay Qalbi-dhagax ayaa sheegay in uu magaalada Hargeysa ku casuumay, lagula soo dhaweyn doono.

Qalbi-dhagax oo hore dawladda federaalka Soomaaliya ugu dhiibtay Itoobiya ayaa xabsiga laga sii dayay kadib markii uu hoggaanka Itoobiya la wareegay ra’isal wasaare Abiy Axmed. Waxaanu haatan ku nool yahay Qalbi-dhagax magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo maanta la filaayo in uu ka soo ambabaxo.

Cabdikariin Qalbi-dhagax ayaa la kulmi doona inta uu magaalada Hargeysa joogo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Lama oga se muddada uu joogi doono Hargeysa Qalbi-dhagax hase yeeshee safarkiisan ayaa ah booqasho iyo casuumaad loo fidiyey.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top