Waxeynu Wada ognahay In Maamuladii iyo Xukuumadihii Somaliland Iskaga Dambeeyay Duruufo Kasta oo Jira oo Xaalada dhaqaale iyo.Miisaaniyadeed Dalku intan Ka itaal yaraa aaney Marnaba dhicin in Maamulka Puntland soo gaadho Deegaanada Sanaag/Bari halkaas oo Beesha Caalamka iyo Cid Waliba si dhab ah ugu aqoonsaneyd In ay hoos Timaado Maamulka Somaliland inyar oo Puntland dhinaca Qabyaalada ku Sheegato Mooyee aaney Wax kale kusoo darsan jirin oo Somaliland kaga xoog badneyd horeyso iyo Dambeysaba laga soo Bilaabo ilaa cahdigii Marxuum Cigaal, Daahir Rayaale iyo Kii.ka dambeeyay ee Siilaanyo.
Shacabka Somaliland intooda ugu badani Waxey habeen iyo Maalin hadalhayeen Markii Siilaanyo ka ahaa
dalka Madaxweynaha Dardaarankii uu kula dardaarmey Khudbadii uu ka jeediyay Maalintii uu Xillka ku Wareejiyay ee Dareenka Xambaarsaneyd taas oo aheyd Waxaan kugu Wareejiyay Dad iyo Dal Mideysan Waxey aheyd Mahadho iyo hadal Qiima leh oo Shacbiga Somaliland kusoo Celcelin.jireen mar Kasta oo goldoloolo laga arko Siyaasadii iyo Dawlladii Axmed Siilaanyo ee Xilka ku Wareejisey Madaxweynaha maanta isaga oo soo taagan oo jooga lagala Wareegay Badhan islamarkaana, ay Tahey markii ugu horeysay ee Madaxweyne Dawladda Puntland ahi halkaa soo gaadho taasi Waxey la macno tahey in lagala Wareegay xiligii uu Kursiga fuulay Sanaag/Bari soolna Weynagii hore uga hadalnay, Waana mid Taariikhda u galeysa oo aan ka hadheyn Abid Waligiina daba socon Doonta Waayo Daba la qabto maleh Waxaana u Fiicneyd intii uu Gidaar Cidlo ah Weerarka iyo Ciidanka u Dalbanayay in uu Badhan iyo Deegaanada Sanaag/Bari iyo Soolba Maskax Muruq iyo Maalba tallo ku kordhiyo.
Gabagabadii Meel kasta iyo Mid kasta oo laga eego Muuse Biixi iyo Dalkii Waxey isla marayaan Xabaal iyo Ninkeed Loo kala tagyeey oo Meel u fayaw iyo Qodob laga qaataa midna majirto Soomaalidu Waxey Tidhaahdaa Mayd keebaa u Dambeeyay Kaa lasii Sido Weydinkaa Dadweynaw arka in uu Maalin Walba Xisbiyada u Yeedhanayo oo Dalkii iyo Taladii Kuwada Ciirtey Waxaana ugu Dambeeyay Badhan iyo Sanaag/Bari oo Somaliland Ka Fara Baxdey Waligiiba ha is adkeeyo oo Dhagax ha iska dhigo iyadoo aan Sanad gaadhin ayey talo fara ka baxdey hadhaw iyo Dambeeto Muxuu ku gaadhi Ciridkaan Arkayo Ilko Kama Soo Muuqdaan.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
0634466339