Connect with us

somalilandtoday.com

Muuse Biixi Illaa Uu Isu-Dhigo Madaxweyne Qaran, Kana Baxo Qoldhadda Iyo Qolqolka Uu Hadda Joogo Dhammaan Mayso Kala Qaybsanaanta Jirtaa

Articles

Muuse Biixi Illaa Uu Isu-Dhigo Madaxweyne Qaran, Kana Baxo Qoldhadda Iyo Qolqolka Uu Hadda Joogo Dhammaan Mayso Kala Qaybsanaanta Jirtaa

Muuse Biixi illaa uu isu-dhigo Madaxweyne qaran, kana baxo qoldhadda iyo qolqolka uu hadda joogo dhammaan mayso kala qaybsanaanta jirtaa. Intase uu yahay hoggaamiye xaafadeed sacabkana looga tumaayo Shacabka illaa Gabiley midnimo ha sugin. Umaddani waxay u baahantahay caddaalad, sinnaan iyo in lagu dhaqo qarannimo, horumar iyo himilo.

Somaliland-nimadii sharafta lahayd ee lagusoo hiranaayay maanta quruxdii, qaayihii iyo qiimahay lahayd waxa ka qaaday Jabhadda is xigtay ee Kulmiye. Sawir foolxunbay qarankii u yeeleen, waxay soo oodeen dhammaan iridi dunida aynu kala macaamili jirray, naafadaa qaranka iyo is-nacaa qaranka sababteeduna waa sadbursi iyo qabyaalad.

Waajibka u weyn ee shacabka maanta saaranina waa in

loo midoobaa kooxda qaranka haadaanta ka tuuraysa, hoggaankeenna aan horumar u bilawnayn ee 27 sano kusoo jiray kala dil, kala dirid iyo dumin ee dheefmooyee aan kula dhex joogin dhisme, in laga sugo rejo waa nacasnimo xilka u weynina dhallintu saaranyahay oo dhaxalka dalka la burburinayo leh.
In qaladka maamul ee jiraa sixniin u baahanyahay waxa tusaale nool u ah, dhacdada Badhan, colaadda Sanaag. Haddi ay waayan ummaddu caddaalad iyo isu joojin in ay kala tagayaan baa hubaal ah. Rubuc qarni dalkani jiray dhacdooyinka muuqanaya ma soo marin. Waxa loo baahanyahay hoggaamin aan ahayn ta maanta, waxa loo baahanyahay hoggaamiye dhiirran oo fahama barta eelku yahay oo aan aarsanayn. Madaxweyne aan yoolkiisu ahayn Madaxtooyada.

Maxamed Siddiiq Dhamme

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top