Connect with us

somalilandtoday.com

Ku Xigeenka Xeer Illaaliyaha Guud Ee Maraykanka Oo Beeniyay Mooshin Ka Dhan Ah Donald Trump

focus

Ku Xigeenka Xeer Illaaliyaha Guud Ee Maraykanka Oo Beeniyay Mooshin Ka Dhan Ah Donald Trump

(SLT-Washington)-Ku xigeenka xeer illaaliyaha guud ee Maraykanka Rod Rosenstein ayaa beeniyay warar warbaahinta kusoo baxay oo sheegayay in uu qorsheynayo in uu cuskado qodob ka mid ah dastuurka oo ogolaanaya in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump.

Ninkan oo ah kan labaad ee ugu sareeya xagga garsoorka Maraykanka ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaya illo wareedyo qarsoon ayaa sidoo kale sheegay in Rosenstein uu si qarsoodi ah u duubay Trump si loo muujiyo qalalaasaha ka jira Aqalka Cad.

Balse Trump oo ka hadlayay isu soo bax ka dhacay gobolka Missouri in wax badan ‘ay kasoo urayaan’ wasaaradda garsoorka, islamarkaasna uu meesha ka saari doono dadka xunxun si la mid ah siduu uu uga taqalusay saraakiishii FBI-da.

Qodobka 25aad ee dastuurka Maraykanka

Warbixinta Wargeyska ayaa lagu sheegay in Mr Rosenstein uu xubno golaha wasiiradda kala hadlay sidii loo dhaqangalin lahaa qodobka 25-aan, kaas oo ogolaanaya sida madaxweyne xilka haya kursiga looga xayuubin lahaa.

Mr Trump iyo Mr Rosenstein oo wada hadlayaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionMr Trump iyo Mr Rosenstein oo wada hadlaya

Wargeyska ayaa warbixinta ku saleeyay qoraalo qarsoodi ah oo laga heley madaxdii horey xilka looga qaaday ee FBI-da.

Mr Rosenstein, xeer illaaliyaha guud Jeff Sessions, iyo Mr McCabe oo horey u ahaa agaasimaha FBI-daLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionMr Rosenstein, xeer illaaliyaha guud Jeff Sessions, iyo Mr McCabe oo horey u ahaa agaasimaha FBI-da

Balse wasaaradda garsoorka Maraykanka ayaa beeniyay wararka kusoo baxay wargeyska, waxayna wax ciyaar iyo dhalanteed ku tilmaameen sheegashada ah in Mr Rosenstein uu si qarsoodi ah u duubay Trump.

In qodobka 25 aad ee dastuurka la cuskado, waxa ay u baahantahay in inta badan golaha wasiiradda Trump iyo madaxweyne ku xigeenka ay u codeeyaan, sidoo kalena ay aqbalaan xildhibaanada Aqalka Congress-ka oo ay ku xoog badanyihiin xisbiga Jamhuuriga ee Trump.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top