Connect with us

somalilandtoday.com

Fanaanadda Caanka Ah Ee Rihaanna Oo Loo Magacaabay Danjire

focus

Fanaanadda Caanka Ah Ee Rihaanna Oo Loo Magacaabay Danjire

(SLT-Barbados)-Rihaana oo ah heesaa caan ah ayaa sheegtay in “aysan jirin wax uga farxad badan” jagada cusub ee safiirnimada ay u magacawday dowladda Barbados.

fanaanaddan oo macagaceedoo dhamaystiran la yirahdo Robyn Rihanna Fenty, ayaa maalintii qamiista ahayd loo magacaabay jaga sare oo safiirnimo ah.

Shaqadeeda waxaa ka mid ah, hormarinta wax barashada, dalxiiska iyo maalgashiga.

Ra’sal-wasaare Mia Amor Mottley ayaa sheegay in lagu maamuusay jagadaasi.

“Rihanna waxay aad ugu weyn jacaylka waddankan, jagadaan loo magacaabayna waxay shabehaysaa bini’aadanimadeda gaar ahaan caafimaadka iyo wax barashada” ayuu yiri.

“Waxa ay sidoo kale arrintani muujinaysaa sida wadanimada ah ay ugu abaal gudeeyso waddankan,” sidaasi ra’isal-wasaaraha ayaa war bixin ku sheegay.

Dhanka kale waxay ku guuleeystay in ay noqoto qof caan ah oo ganacsiga ku xeeldheer, sidaas darteed waxay awood u leedahay in ay door weyn ka cayaarto isbedelka waddanka Barbados.

Rihanna waxay ka mid tahay fanaaniinta heesohooda aadka loo iibsado, oo waxa laga iibiisay ilaa 250 milyan. Waxa ay sidoo kale ku caan baxday jilidda filimaanta iyo naqshadeynta dharka.

Rihaana

Waxa ay ku dhalatay magaalada Saint Michael ee dalka Barbados, waxa ayna ku kortay magaala madaxda dalka ee Bridgetown

Waxa ay halkaasi ku qaadatay waqtiyadeedii da’yarta markii uu soo saare ameerikaan ah ogaanayay hay’badeeda heesaanimada, kaas oo ka caawiyay in ay ku soo biirto shaxda Mareykanka.

Sanadkii hore ayay ahayd markii waddo ay ku nooleed loo bixiyay Rihanna oo lagu sharfay.

Rihanna oo la sawiran Amiir Harry-ga UKLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionRihanna oo la sawiran Amiir Harry-ga UK

Warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay in jagadeedan cusub ay aad ugu faraxsan tahay.

“Qofkasta oo u dhashay dalka Barbados waa in uu dowrkiisa ka cayaaraa dadaalka haatn ka socda dalka, anigana waxaan diyaar u ahay oo aan ku faraxsanahay in aan qaado ma’suuliyadda laigu shrafay. Waxaana haatan wixii ka biloowdo aan ku dadaalayaa sidii aan ula shaqeyn lahaa ra’isal wasaare Mottley iyo koosdiisa doonaya in ay dib boorka uga jafaan Barbados.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top