Connect with us

somalilandtoday.com

“Booliskii Ayaa Dadka Iska Xidhaya Sidda Xayawaanka, Xadhigii Ugu Badnaa Ayaa Dalka Ka Dhacay 8 Bilood…” Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga WADDANI

focus

“Booliskii Ayaa Dadka Iska Xidhaya Sidda Xayawaanka, Xadhigii Ugu Badnaa Ayaa Dalka Ka Dhacay 8 Bilood…” Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga WADDANI

(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha cadaaladda xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in xadhigga xaq darrada ah uu kordhay 8-dii bilood ee uu dalka maamulaayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Barkhad oo telefiishanka Star Hargeysa ugu warramay waxa uu sheegay in sabab la’aan dad suxufiyiin, siyaasiyiin, odayaal dhaqameen iyo sidoo kale dad kamid ah bulshada boolisku ay iska xidheen kadibna iyadoon maxkamad iyo sharci midna la marin si yar loo yidhi fasax ayaad tihiin – waa sida uu hadalka u dhigee.

Madaxweynaha Somaliland ayuu ugu baaqay Barkhad Batuun in uu wax ka qabto dadka awooda u adeegsanaya bulshada – maadamabuu yidhi uu isagu yahay mas’uulka ugu sarreeya dalka. “…bileyskii ayaa dadka iska xidhaya sida; xayawaanka. Inan Faysal Sugaal la yidhaahdo ayaa layska xidhay, laba cisho ayuu CID-da ku jiray handana iska bax ayaa la yidhi, waa layska sii dayay…” Barkhad Batuun waxa uu sheegay in xadhiigii ugu badnaa uu dalka ka dhacay 8-dii bilood ee ugu danbaayey waxaanu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata “…xadhigii ugu badnaa ayaa dalka 8-deeda bilood ka dhacay, ha’yaddaha human right-ku way ka hadlaan, ee xuquuqda aadanaha umadduna way arkaysaa.”

Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top