(SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dilal ka soo cusboonaaday caasimada dalka ee Soomaaliya Muqdisho isagoo tacsi u direy dhammaan qoysaskii dadkii lagu diley Muqdisho.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Kenya ayaa si gaar ah waxa uu ugaga hadlay dil ka dhacay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid gobolka Banaadir.
”Waxaan rabaa inaan si gaar ah u dul istaago dhacdadii Towfiiq, dhaqankaas waa mid aad u xun, waan cambaareyneynaa waa fal aad u fool xun, ma jiro qof qof ka fiican ilaa cabsida Alle ma ahanee, guur in dad loo dilo waa arrin fool xun, ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waa in ay meel uga soo wada jeestaan arrintaas”. Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Axmed Dowlo oo lagu diley garaash uu ka shaqeynayay ayaa gelinkii dambe ee maanta meydkiisa lagu aasay qubuuro ku yaal Muqdisho iyadoo boqolaal ruux ay ka soo qeybgaleen aaskiisa.