Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Jaamacadda Addis-ababa Medical Collage

focus

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Jaamacadda Addis-ababa Medical Collage

Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka qayb-galay arday ka qalin-jebisay Jaamacadda Addis-abab Medical Collage ee magaalad Hargaysa.

Xafladda loo qabtay ardayda oo si weyn loo maamusay ayaa waxa ka warbixiyay marxaldihii jaamacdda iyo waxbarshada ay jaamacadu bixiso guddomiye ku-xigenka jaamacdaasi waxaana uu sheegay in ardayda ka qalin-jebisay jaamacadda addis-ababa Medical Collage ay bulshada reer Somaliland ku anfacaan cilmiga caafimaadka ee ay barteen.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil khudbad dheer u jeediyay ardayda jaamacadda addis-ababa ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland laban-laabi doonto kaalinta ay ka qaadato taageeridda waxbarashada gaarka loo leeyahay, waxaana uu madaxweyne ku-xigeenku u hambalyeeyay ardayda maanta ka qalin-jebisay jaamacadda Addis-ababa.

ugu danbayntina waxa uu Madaxweyne ku-xigeenku tobankii arday ee jaamacadda ugu saraysay uu guddonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan oo ay mutaysteen mudadii ay waxbarashada ku soo gudo jireen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top