Connect with us

somalilandtoday.com

Haweenay Labaad Oo Eedaymo Tacaddiyo Galmo Ah U Soo Jeedisay Ninka Uu Donald Trump U Magacaabay Maxkamadda Sare Maraykanka

focus

Haweenay Labaad Oo Eedaymo Tacaddiyo Galmo Ah U Soo Jeedisay Ninka Uu Donald Trump U Magacaabay Maxkamadda Sare Maraykanka

(SLT-Hargeysa)-Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa cambaareeyey eedeymo cusub oo la xidhiidha anshax-darro, oo haweeney ay usoo jeedisay garsoore Brett Kavanaugh oo madaxweyne Trump uu u magacaabay maxkamadda sare ee Mareykanka.

Wargeyska New Yorker ayaa axaddii weriyey in laba senator ay baadhayaan eedeymaha ay haweeney usoo jeedisay Kavanaugh ee ah inuu isku hor qaawiyey xilligii ay wada dhiganayeen jaamacadda Yale.

Kavanaugh ayay ku eedaysay in uu xubinta tarankiisa taabsiiyay wajigana kaga xoqay iyaga oo ka wada qayb galay xalfad lagu qabtay qol ay ardaydu daganaayeen, arrintaasina ay dhacday iyadoo uusan wax ogolaansho ah ka helin.

Deborah Ramirez oo 53 jir ah ayaa wareysi ay bixisay ku sheegtay in Kavanaugh inuu isku hor qaawiyey.

Afhayeen u hadlay aqalka cad, Kerri Kupec ayaa cambaareeyey hadalka Deborah, waxaana uu yidhi “eedeyntan aan la hubin ee 35 jirka ah, waa isku daygii ugu dambeeyey olole ay ka dambeeyaan dimoqraadiga, oo dhulka lagu dhigayo nin wanaagsan”.

“Eedeyntan waxaa beeniyey dhammaan dadkii goobta joogay waqtigaas, waxayna kasoo horjeedaan waxa dadka yaqaan ee la dhigtay Jaamacadda ay ka sheegeen Kavanaugh, aqalka cad wuxuu si buuxda u garab taagan yahay garsoore Kavanaugh” ayuu yidhi Kerri Kupec.

Kavanaugh ayaa sidoo kale bayaan uu soo saaray ku beeniyey eedeymahan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top