Connect with us

somalilandtoday.com

Garoonka Diyaaradaha Burco Oo Isku Beddelay Geerash La Dhigo, Laguna Dayac-tiro Gaadiidka Dadweynaha

focus

Garoonka Diyaaradaha Burco Oo Isku Beddelay Geerash La Dhigo, Laguna Dayac-tiro Gaadiidka Dadweynaha

(SLT-Burco)-Qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Degmada Burco ee Caasimadda Gobolka Togdheer, ayaa Xukuumadda ugu baaqay in Gacanta Dawladda lagu soo celiyo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Burco, kaasi oo ay sheegeen in Dad gaar ahi ka dhigteen Geerash lagu Xereeyo Gaadiidka, laguna Dayac-tiro.

Warka BurcoMadaarka Diyaaradaha ee Burco oo uu Shalay booqday Telefiishanka Eryal oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay ayaa soo bandhigay Gudaha deyrka Garoonka oo ay ku xeraysan yihiin Gaadiid uu Telefiishanku sheegay inay iskugu jireen qaar lagu dayac-tirayey iyo kuwo la dhigtay.

Qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Burco oo la waydiiyey siday u arkaan Xaaladda uu ku sugan yahay Garoonka diyaaradaha ee Burco, ayaa sheegay inay ka xun yihiin in Xaaladda uu Madaarku ku sugan yahay, waxayna baaq u direen Xukuumadda Somaliland iyo Maamulka Gobolka Togdheer.

Mid ka mid ah Dadkaasi oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Garoonkii diyaaradaha ee Magaalada Burco wuxuu noqday Geerash lagu dayac-tiro Baabuurta, lana dhigto Baabuurta, waxaana isticmaala Shaqsiyaad gaar ah. Waxaanu garoonkii diyaaradaha ee Burco ku aragnay waxaan indhuhu qaban karaynin, in Madaarkii diyaaradaha Burco noqdo Geerash Qof uu iska leeyahay waa wax laga dhiidhiy. Waxaanu u sheegaynaa Maamulka Gobolka Togdheer iyo Xukuumaddaba in arrintaa si deg-deg ah wax looga qabto. Arrintaa waxaanu ku cambaaraynaynaa Ninka Isku-duwaha ah (Duulista) oo kiraystay oo ku ceesha..”

Nin isaguna ka mid ah Dadka la waydiiyey Aragtidooda la xidhiidha Xaaladda Garoonka Diyaaradaha ee Burco, ayaa yidhi “Haddii Madaarkii Cid gaar ahi yeelatay meel walba oo Gobolka Togdheer ah Cid baa yeelan doonta, haddii Madaarka Cid yeelato Dawladda Hoose ee Burco-na Cid ayuun baa yeelan doonta, markaa waxaanu leenahay waa in si deg-deg ah wax looga qabtaa oo Gacanta Dawladda lagu soo celiyaa Hantida Ummadda..”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top