Connect with us

somalilandtoday.com

Askari Ka Tirsan Ilaalada Madaxtooyada Puntland Oo Lagu Dilay Badhtamaha Magaalada Boosaaso

focus

Askari Ka Tirsan Ilaalada Madaxtooyada Puntland Oo Lagu Dilay Badhtamaha Magaalada Boosaaso

(SLT-Boosaaso)-Weerar ayaa maanta lala beegsaday ciidammo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Puntland oo ku sugnaa magaalada Bosaaso. Waxaana ku dhintay hal askari halka 2 qof ay ku dhaawacmeen.

Askartan aya la sheegay in badhtmaha magaalada ay ka iibsanayeen aalab ay leeyihiin gaadidka madaxtooyada maamulka Puntland

Dadka dhaawaca ah ayaa hadda lagu dawaynaya cisbitaalka guud ee magaalada Bosaaso.

Madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku sugan magaalada Bosaaso, ciidammo badan ayaa ku sugan halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay waday baadhitanno lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada.

Magaalada Bosaaso waxa ka dhacay dilal kala duwan oo lagu dilay dad rayid ah.

Maamulka Puntland weli kama aysan hadlin weerarka balse saraakiisha madaxtooyada ayaa BBC-da uu sheegay inay jiraan dad looga shakisan yahay weerarka oo ay soo qabteen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top