Connect with us

somalilandtoday.com

Xeerka Kufsiga Iyo Qodobbadii Laga Qaylyay. W/Q: C/raxmaan C/laahi Warsame

Articles

Xeerka Kufsiga Iyo Qodobbadii Laga Qaylyay. W/Q: C/raxmaan C/laahi Warsame

Xeerka kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga oo la ansixyay 29 July(bishii toddobaad)2018, kadib markii ay soo celiyeen golaha guurtidu oo hore loogu gudbiyay ayaa buuq badan ka dhaliyay bulshada Somaliland dhexdeeda sababo badan awgood.

Xeer ku sheeggan waxa la sheegayaa in laga soo diiday soomaaliya iyo maamul goboleedkeeda puntlan. Qofka akhriya waxan xeerka lagu sheegay ee si dhugmo leh ugu fiirsada waxa uu dareemayaa in aanu ahayn xeer dalka gudihiisa lagu sameeyay balse laga soo tarjumay xeerar kale oo dalal kale oo aynnaan isku diin iyo isku dhaqan iyo ummad ba ahayni leeyihiin.

Waxa iyaduna la yaab ahayd oo soo if baxday intii ay socotay

dooddiisu in dad badan oo rag iyo dumar ba isugu jiraa ay noqdeen dad aan dan ka lahayn sida iyo qaabka ay u nooshahay ummaddani oo ay eeganayaan oo kaliya mushaharka yar ee ay meel ka qaataan iyo waxa yare e fara guud kood ah ee ay ka helayaan xeer kasta oo la keeno.
In kasta oo kufsiga aanay cidina oggolayn diinteennuna meel adag ka istaagtay haddana dadkaasi malaha maba yaqaannaan waxa ay diintu ka tidhi iyo sida ay uga hadashay balse waxay si fiican u yaqaannaan waxa la yidhaahdo xeer banii aadan dajiyo oo soo mamalluuqo, taasina waxa keentay in qodobbo badan si fudud loo hoos mariyo iyada oo lagu hadoodilayo qodobbo kale oo wanwanaagsan.

Qodobbada ay dadkani sida weyn ula dhaceen waxa ka mid ah qodobka afraad farqadddiisa labaad

(2) Ciqaabta la saarayo ama uu mutaysanayo eedeysanaha lagu eedeeyo faldambiyeed ku

cad farqada koowaad ee qodobkan, waxay noqonaysaa ciqaab xabsi oo u dhaxaysa

Labaatan ilaa Shan iyo Labaatan sannadood, haddii Dhibanaha fal dambiyeedku yahay

qof carruura oo da’ diisu tahay 15 jir ama ka yar;

qodobkaasoo kale marka uu arko qof noocaa aynu soo sheegnay ahi waxa markiiba maskaxdiisa ku soo dhacaysa, xeerkani waxa uu xakamaynayaa kufsigii. Balse waxa soomaalidu hore u tidhi Gaalku halka uu awr marinayo irbad buu ku dayaa. Waxa ku hoos jiray qodobbo laga yakhyakhsoodo oo xagga danbe lagaga ladhay kuwaasoo la doonayo in dadka ay hadhow caadi u noqoto, waxaana qodobbadaa ka mid ah kuwan.

Qodobka 35aad

Xaaladaha Fududeya Ciqaabta

Xaaladaha hoos ku taxani waxay noqonayaan sababo fududeeya ciqaabta una

ogolaanaya maxkamadda in ay yareyso ama hoos u dhigto ciqaab la saarayo

dambiilaha:

b) Eedeysanaha oo ah qof carruur ah oo da’diisu tahahay 15 ilaa 18 jir;

t) Eedeysanaha oo ah qof da’ah/gaboobey,

j) Eedeysanaha ooah qof maskaxda ka buka, ama

x) Eedeysanaha oo ah mid la sakhraamiyay ahaana qof sakhraansan markii uu

dambiga galayay.

Ma ogtahay akhriste in ragga wax kufsadaa maanta dalka ay inta ugu badani yihiin da’da ka yar 18 jirka, waana da’da aan khatarta kaga imman kartana garanayn caqli celiyana aan lahayn ee immika uun inuu ragannimo yeeshay ogaaday markaana tijaabinaya. Qofka maxkamadaha ka dhagaysta kiisaska kufsiga waxa uu ogaanayaa in dhallinyartaasi ku badantahay. Innamada yaryar ee habeenkii dadka moobillada ka dhaca ee marka boolisku qabtaan waalidkood saldhigga ugu yimaaddo waxay hooyooyinkood yidhaahdaan miyaad taqaannaan, aniga inankaygu masajidkaba kama baxo waabu ka eedaamaa. Islaanta inankeedu 18jir yahay amma ka weynyahay ee naag kufsada amma isaga oo la socda qaar wax kufsaday lasoo qabto maxay odhanaysaa, soo ku doodi mayso uun aniga inankaygu mabuu qaan gaadhin oo anigaa dhalay oo garanaya xilliguu dhashay cid caddayn karta da’diisna majirto

Dhanka kale diintu ma sheegin in nin weyni haddii uu wax kufsaday laga khafiifinayo saa qaar baaba ah kuwa ugu daran ee hablaha iyo dumarka looga baqo.

Qofka sakhraansan baa laga fududaynayaana soo macneheedu maaha uun in looyarku hadhow ku doodo ninkani markii uu falka samaynayay uu sakhraansanaa cid beenin karta amma rumayn kartaana aanay jirin. Sheekadu markaa sow maaha uun nin kasta oo wax kufsada qiil ha loo sameeyo hadhowna bannaankaa hayska maro. Dumarkan xeerka la ansixiyay ku faraxsanaa waa masaakiin laakiin innagaa u joogna oo Ilaahay rag innaga dhigay bulshadooda ka mas’uul ah oo wixii loola yimaaddo ee qalad ku ah inay ka qabtaan waajib ku tahay.

Haddaba intii doodda xeer ku sheeggan lagu jiray ee aan wasiirka diinta iyo awqaaftu ku dhawaaqin in dib loogu noqonayo dadkii xeerka kufsiga ka fa celiyay Somaliland waxay ahaayeen afar nooc.
1. Koox saqaafaddoodu hoosayso oo adduunka waxa la kala riixanayo iyo afkaarta laysku hayo aan waxba kala socon, dhoohani awgeed
2. Koox dumar u badan oo wax iska celida raggu ku badnayd wacyi la’aan awgeed, laakiin markii ay arkeen xaqiiqda iska aamusay.
3. koox addunyo qaadatay oo nidaam macaan jecel nimo ahi madax maray oo shilimmo yari ka dhex hadlaeen hunguri awgii.
4. iyo koox meel cad ka istaagtay oo si mintidnimo ah u doodday aakhirkiina xaqii guulaystay oo toodii la raacay.

C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com

Hargeisa Somaliland

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top